Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Muhaajiriin Soomaaliyeed oo ay tiradoodu gaarayso 168 dhallinyaro ah, kana kooban 114 rag ah iyo 54 dumar ah, ayaa shalay laga sii daayay Xabsiga weyn ee ku yaalla Magaalada Tripoli ee dalka Libya.
Muhaajiriintaan Soomaaliyeed, ayaa in muddo ah ku jiray Xabsigaas, ka-gadaal markii ay Ciidanka Nabad-sugidda ee dalkaas Libya ku soo eedeeyeen inay u guntanaayeen Tahriib xagga Badda ah, doonayeenna inay si sharci-darro ah Doonyo ugu gaaraan Xeebaha dalka Talyaaniga.
Sii-hayaha Safaaradda Soomaalida ee dalka Libya: M/D.Muxyaddiin M.Kaalmoy, ayaa si lixaad leh ugu guntaday, kana mira-dhaliyay sidii uu Mahaajiriintaan Soomaaliyeed uga sii dayn lahaa Xabsiyada Libya, ayna dib ugu heli lahaayeen Xorriyaddooda.
Muhaajiriintaan Soomaaliyeed ayaa iska fogeeyay waxa lagu eedaynayo, waxayna ku doodeen in ay damacsanaayeen in ay u sii gudbaan dalka Tuunis, si ay ugu biiraan Qaxootiyada kale ee ku sugan Xerada 'Shousha' ee ku taalla Xadka labada dal. Halkaas oo ay ku sugan yihiin Boqollaal Qaxooti Soomaaliyeed ah, oo iyagu markii hore ka bara-kacay dalka Libya.
Sii-hayaha Safaaradda Soomaalida ee Tripoli: Muxyaddiin M.Kaalmoy, ayaa ka codsaday Maamulayaal ka tirsan Xukuumadda KMG ah ee Libya,inay ka-caawiyaan walaalahooda Soomaaliyeed, sidii ay Sharciga degganaanshaha(Iqaamad) iyo shaqooyinba uga heli lahaayeen gudaha dalkaas. Codsigaas oo laga oggolaaday Madaxda Safaaradda.
Dhanka kale, Mudane/Kaalmoy wuxuu ku boorriyay Soomaalida Libya, inay ka waantoobaan falalka Tahriibka ah ee Tahlukada wata, ayna ka xoogsadaan Gudaha dalka Libya, iyagoo ka faa'iidaysanaya fursadda hadda taagan ee ah helitaanka sharciga iyo shaqadaba.
Boqollaal Soomaaliyeed oo kale, oo ka mid ahaa kuwii ku sugnaa Xerada(Sika-xadiidiya) ee bartamaha Tripoli oo ay maamulkoodu hayso Jamciyadda Xuquuqul-insaanka ee dalka Libya, ayaa iyaguna toddobaadkan Hawlo ka bilaabay Dawladda Hoose ee Tripoli. Jamciyaddan iyo Safaaradda Soomaalida ee Libya ayaa iyagu iska kaashada xal u helidda Arrimaha Muhaajiriinta Soomaaliyeed.
Xafiiska Warfaafinta ee Safaaradda Soomaalida
Tripoli-Libya
Muhaajiriin Soomaliyeed oo tiradoodu ahayd 168 ruux oo laga sii daayay Xabsiga Dhexe ee Magaalada Tripoli
More News
- Ciyaaryahan Cabdi Nageeye oo kaalin fiican ka galay cayaaraha tartanka Orodka Koobka Qaramada Yurub (EK Cross)
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan oo sheegay in kuwii xilka ka qaaday ay ahaayeen fowdiistayaal
- Golaha Wasiirrada Xukuumada Somalia oo Muqdisho ku yeeshay Kulan ay uga hadleen ammaanka iyo waxqbadka Wasaaradaha
- Qaxootiga Itoobiyaanka ah ee deggen Hargeysa oo nolol xumo ay lasoo daristay markii ay UNHCR ka jartay caawimadii ay siin jirtay
- Hay'ad Turkish ah oo sheegtay inay billowday mashruuc cusub oo lagu kaalmeynayo Qoysaska Soomaaliyeed
- Saraakiishii kasoo goostay Al-shabaab ee soo biiray Dowladda KMG oo iska fogeeyay inay mas'uul ka yihiin Qaraxyada ka dhaca Muqdisho
- Kulan lagu falanqaynayo Xoojinta nabadda iyo horumarka gobolka Awdal oo ka furmay magaaladda Boorama (SAWIRRO)
- Dowladda Kenya oo Hay’adaha Samafalka ugu Baaqday inay Gargaar Geeyaan Goobaha ay ka Saareen Al-Shabaab
- Maamulka Al-shabaab ee Magaalada Kismaayo oo isugu Yeeray Qeybaha kala Duwan ee Ganacsatada Magaaladaas
- Shir looga hadlay Qorshaha Sugiddga Amniga Soomaaliya oo ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya (SAWIRRO)
- Wafdi ka socda Dowladda Britain oo gaaray degmada Doolow ee Gobolka Gedo
- MUDANE MADOOBE NUUNOW: "Xilkii laga qaaday Shariif Xasan waxay qayb ka tahay dib u habeynta Baarlamaanka"
- DAAWO SAWIRRO laga soo qaaday deegaannada Buur-Gaabo iyo Raas-kambooni ee Gobolka Jubbada Hoose
- Xisbiga UDUB oo wakhti u qabtay inay araajidooda kusoo gudbiyaan dadka hunguri ka hayo xilka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa
- Carwo ganacsi caalami ah oo maalinta Sabtida ee soo socota laga furi doono Magaalada Hargeysa ee Somaliland
- Barakacayaasha ku jira kaamamka Muqdisho qaarkood oo sheegay inaysan muddo bil ah mucaawinooyin