Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Wafdi ka socda dawlada ingiriiska ayaa gaaray degmada dolow ee gobolka Gedo, iyadoo wafdigu la kulmay maamulka degmadaas oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha Cabdirashiid Janan waxayna kawada hadleen arrimaha gargaarka.
jonathan hangreves oo ah ninka hogaaminayey wafdiga oo isugu jiray safiirada u fadhiya dalka Britain dalalka Kenya iyo Ethiopia iyo hay'adaha deeqda bixiya ayaa sharaxaad ka bixiyey socdaalkooda iyagoo tilmaamay in ay u yimaaden Doolow si ay u ogaadaan halka ay ku baxday lacagihii badnaa ee ay bixisay dawlada Britain ee Soomaaliya loogu deeqay.
Gudoomiyaha degmada ayaa uga mahadceliyey wafdiga iyo dawlada Ingiriiska gacantii ay ka gaysatay wax ka qabashada dhibaatadii dadka ku habsatay xiligii abaarta, waxaana uu sheegay in amniga deegaank uu yahay mid wanaagsan islamarkaana ay gacanta ku hayaan maamullka degmada
iyo ciidamada dowlada Soomaaliya.
Intaasi kadib aya wafdiga waxaa ay kormeer ku soo mareen xeryaha ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah iyo xarumaha hay adaha samafalka ee ka hawlgala gobolka Gedo.
Wafdiga Doolow gaaray ayaa si nabad galyo ah, halkaas uga soo noqday taasi muujinaysa in xaalada ammaanka deegaanadaas ay tahay mid wanaagsan.
Warbixintan waxaa Doolow nooga soo diray
Maxamed Qani
Wafdi ka socda Dowladda Britain oo gaaray degmada Doolow ee Gobolka Gedo
More News
- Ciyaaryahan Cabdi Nageeye oo kaalin fiican ka galay cayaaraha tartanka Orodka Koobka Qaramada Yurub (EK Cross)
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan oo sheegay in kuwii xilka ka qaaday ay ahaayeen fowdiistayaal
- Golaha Wasiirrada Xukuumada Somalia oo Muqdisho ku yeeshay Kulan ay uga hadleen ammaanka iyo waxqbadka Wasaaradaha
- Qaxootiga Itoobiyaanka ah ee deggen Hargeysa oo nolol xumo ay lasoo daristay markii ay UNHCR ka jartay caawimadii ay siin jirtay
- Hay'ad Turkish ah oo sheegtay inay billowday mashruuc cusub oo lagu kaalmeynayo Qoysaska Soomaaliyeed
- Saraakiishii kasoo goostay Al-shabaab ee soo biiray Dowladda KMG oo iska fogeeyay inay mas'uul ka yihiin Qaraxyada ka dhaca Muqdisho
- Kulan lagu falanqaynayo Xoojinta nabadda iyo horumarka gobolka Awdal oo ka furmay magaaladda Boorama (SAWIRRO)
- Dowladda Kenya oo Hay’adaha Samafalka ugu Baaqday inay Gargaar Geeyaan Goobaha ay ka Saareen Al-Shabaab
- Maamulka Al-shabaab ee Magaalada Kismaayo oo isugu Yeeray Qeybaha kala Duwan ee Ganacsatada Magaaladaas
- Shir looga hadlay Qorshaha Sugiddga Amniga Soomaaliya oo ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya (SAWIRRO)
- Muhaajiriin Soomaliyeed oo tiradoodu ahayd 168 ruux oo laga sii daayay Xabsiga Dhexe ee Magaalada Tripoli
- MUDANE MADOOBE NUUNOW: "Xilkii laga qaaday Shariif Xasan waxay qayb ka tahay dib u habeynta Baarlamaanka"
- DAAWO SAWIRRO laga soo qaaday deegaannada Buur-Gaabo iyo Raas-kambooni ee Gobolka Jubbada Hoose
- Xisbiga UDUB oo wakhti u qabtay inay araajidooda kusoo gudbiyaan dadka hunguri ka hayo xilka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa
- Carwo ganacsi caalami ah oo maalinta Sabtida ee soo socota laga furi doono Magaalada Hargeysa ee Somaliland
- Barakacayaasha ku jira kaamamka Muqdisho qaarkood oo sheegay inaysan muddo bil ah mucaawinooyin