Sabti, Abriil 09, 2011 (HOL) – Shir uu soo qabanqaabiyay ururka Midowga Afrika loogana hadlayo howlgalka AMISOM ay kawaddo Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Mombassa ee dalka Kenya, waxaana shirkaan uu socon doonaa muddo laba maalmood ah.
Furitaankii shirka ayaa waxaa ka hadlay ku xigeenka ergayga jootada ah ee Midowga Afrika uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya Wafula Wamunyinyi, isagoo ka faalooday howgalka AMISOM iyo xaaladda guud ee dalka Soomaaliya.
"Xaaladda Soomaaliya waxay maraysaa heer ay khatar ku noqoto caalamka oo dhan," ayuu yiri Wamunyinyi, isagoo sheegay in xoogagga Xarrakatul Shabaab ay ka wadaan dagaallo khatar ku ah dalalka dariska la ah Soomaaliya iyo kuwa Afrika.
Madaxa sare ee Hiiraan Online, Axmed Xaaji Cilmi Guure oo shirkaas ka qaybgalay ayaa sheegay in shirka ay hadallo ka jeediyeen madax ka socotay Midowga Afrika iyo saraakiisha AMISOM, su'aalo dhowr ahna la weydiiyay xubnihii shirkaas ka hadlay.
Hiiraan Online ayaa weydiisay Wamunyinyi su'aal ahayd in ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho uu howlgalkoodu ka mid yahay inay weerarro qaadi karaan iyo in kale, balse wuxuu ka meer-meeray inuu su'aashaas si toos ah uga jawaabo.
Wafula Wamunyinyi ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda Soomaaliya, isagoo sheegay inuu jiro khilaaf u dhexeeya hay'adaha dowladda KMG ah, gaar ahaan xukuumadda iyo baarlamaanka, wuxuuna si gaar ah uga hadlay marxaladihii uu soo maray shirkii lagu qabtay dalka Jabuuti.
Saraakiil uu ka mid yahay Afhayeenka AMISOM oo ka hadlay furitaanka kulanka ayaa ka warbixiyay howlgalka ay u joogaan Soomaaliya, iyagoo sheegay in saxaafadda Soomaalidu ay ka sheegto warar aan sax ahayn, iyagoo goobta ka sheegeen inaysan lug ku lahayn khilaafka u dhexeeya hay'adaha dowladda KMG ah.
Afhayeenka AMISOM Maj. Ba-huko Barigye oo la weydiiya su'aalo ya ka mid ahaayeen tirada cidamada AMSIOM ee ku sugan Muqdisho ayaa ku gaabsaday inay yihiin shan guuto oo ka kala socday dalalka Burundi iyo Uganda, isagoo sheegay inay guulo ka gaareen dagaalladii ay Muqdisho kula galeen Xarrakatul Shabaab.
Urur goboleedka IGAD ayaa horay u go'aamiyay in baarlamaanka Soomaaliya uu muddo kororsi sameeyo, taasoo saldhig u noqotay khilaafka u dhexeeya madaxda hay'adaha DKMG ah ee Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa lagu wadaa in berri lasoo gabgabeeyo iyadoo inta uu socdo ay kusoo bandhigi doonto AMISOM howlgalka ay kawaddo Soomaaliya, si ay ugu soo jiiddo dalalka kale ee Afrika inay howlgalka qayb ka noqdaan.
Ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Soomaaliya ayaa tiradoodu waxay tahay 9,000-askari waxayna ka socdaan dalalka Burundi iyo Uganda, iyagoo ka difaaca dowladda Soomaaliya dagaallada kaga imaanaya Xarrakatul Shabaab.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya