Sabti, Abriil 09, 2011 (HOL) – Ugu yaraan saddex shacab ah ayaa ku dhintay lix kalena way ku dhaawacmeen dagaallo xalay iyo saakay Muqdisho ku dhexmaray ciidamada DKMG ah oo gacan ka helaya AMISOM iyo xoogagga Xarrakatul Shabaab.
Dagaalladan oo ka dhacay degmada Boondheere ayaa waxay qarxeen markii xoogagga Xarrakatul Shabaab ay weerarro ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM kaga sugnaayeen degmadaas.
"Waxaan xalay weerarro ku qaadnay saldhigyo ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM kaga sugnaayeen degmada Boondheere, gaar ahaan dhismaha hotel Jubba waxaana ku gaarsiinnay khasaare xooggan," ayuu yiri afhayeenka ciidamada ee Xarrakatul Shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo saakay saxaafadda la hadlay.
Sheekh Abuu-Muscab wuxuu xusay in weerarkaas uu socday illaa 2:00 habeenimo ee xalay, ayna saakay mar kale weerarro kale ku qaadeen isla goobihii xalay ay weerareen, balse ma uusan sheegin khasaare dhankooda kasoo gaartay.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay dhammaantood ahaayeen shacab ay madaafiicda iyo rasaastu ugu tagtay xaafado ka tirsan degmada Boondheere iyo degmooyinka ku dhowdhow.
Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca DKMG ah iyo AMISOM oo ku saabsan dagaalladii xalay iyo saakay dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasoo madaafiicda la isku dhaafsanayay laga maqlayay gudaha iyo daafaha Muqdisho.
Afhayeenka Xarrakatul Shabaab, ayaa shirkiisa jaraa'id ku sheegay in dagaalladaas ay socon doonaan inta ay ciidamada AMISOM ee ka socda dalalka Burundi iyo Uganda ay isaga baxayaan dalka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya