Sabti, Abriil 09, 2011 (HOL) – Wasiirka amniga Puntland Yuusuf Axmed Khayr ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay qaar ka mid ah dablayadii fulisay dilka masuul sare oo ka tirsanaa ha'yadda cilmi-baarista Puntland ee PDRC.
"Dablaydan waxaa laga soo qabtay meel 40-km u jirta Garowe ka dib howlgal millatari oo ciidanku ay fuliyeen"ayuu yiri wasiirka oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta.
Waxaa kaloo wasiirka uu sheegay in ragga gacanta lagu soo dhigay ay gaarayaan sedex ruux oo mid ka mid ah lagu toogtay halkii ay ciidanku ugu tageen,iyadoo labada kale mid ka mid ah ciidanku ay ku dhaawaceen is-rasaasayntii dhex-martay labada dhinac.
Wasiirka ayaa intaaa ku daray in ay jiraan dad ku lug lahaa shirqoolkii ka dhacay Garowe oo lagu raad-joogo ,isagoo xusay in ay jiraan dad laga shakisanyahay oo ku sugan caasimadda Puntland. "Laamaha dowladda wali wax ay daba socdaan kiisas horay uga dhacay gobolka, waana la ciqaabi doonaa dadka lagu raad-joogo," ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka.
Yuusuf Axmed Khayr ayaa ka codsaday qaybaha bulshada in la taageero howlgallada noocaan oo kale ah si looga hortago kiisas kale oo ka dhaca gudaha Punltand.
"Howlgalkan sida aan xogta ku hayno dadka dilka fuliyay kama badna sedex ilaa afar ruux ,walina howlgalkii ma uusan dhamaan "ayuu ku jawaabay mar wax laga waydiiyay tirada dablayda dilka horay u gaysatay.
Dhinaca kale arday gaaraysa 53 ruux oo ka soo barakacay rabshadaha ka jira wadankaasi Yemen ayaa soo gaaray magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Munaasabad lagu soo dhawaynayay ardaydan ayaa waxaa lagu qabtay Hotelka Muno ,waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin dowladda ka tirsan oo uu ka mid yahay gudoomiyaha gobolka Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf.
Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya
Dablaydii dilka ka gaysatay Garoowe oo la qabtay iyo arday Soomaali ah oo kasoo cararay Yemen oo soo gaaray Boosaaso
More News
- Madaxweynaha Jabuuti oo ku guuleystay doorashada iyo murashaxii la tartamay oo natiijada diiday
- Xildhibaanno soo-jeediyay in shirarka dib u heshiisiinta Soomaalida lagu qabto gudaha dalka Soomaaliya
- Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday dalka Burundi lana kulmay madaxweynaha dalkaas (SAWIRRO)
- Shir looga hadlayo howgalka ciidamada AMISOM ee Magaalada Muqdisho oo maanta ka furmay Mombassa
- Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo maanta kor-meer ku tagaya degmooyin ka tirsan gobollada Bari iyo Nugaal ee Puntland
- Madaxweynaha Ismaaciil Cumar Geelle oo si weyn ugu horreeya tirinta codadka doorashadii ka dhacay Jabuuti
- Hay'adda UNCHR oo sheegtay in kumannaan qof ay ku barakaceen dagaalladii ugu dambeeyay ee Soomaaliya
- Burcadbadeed Soomaaliyeed oo afduub ku qabsaday markab xamuul oo laga leeyahay dalka Jarmalka
- Khatar dhinaca ammaanka ah oo haysata haweenka Soomaaliyeed ee qoxootiga ku ah xeryaha dalka Kenya
- Dagaallo ciidamada DKMG ah, AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab ku dhexmaray Magaalada Muqdisho
- Bannaanbax ka dhan ah shirka QM ee Nairobi oo ka dhacay degmada Caabud-waaq (SAWIRRO)