Hoggaamiye ka tirsan Xarrakatul Shabaab Mujaahidiin oo beeniyay inuu jiro khilaaf u dhexeeya

Sabti, October 09, 2010 (HOL) − Hoggaamiyaha labaad ee Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur) oo ka hadlay masjid ku yalla Muqdihso ayaa beeniyay inuu jiro khilaaf u dhexeeya hoggaanka sare Al-shabaab.

"Waxaan maqlayay maalmihii lasoo dhaafay, waxbaa kala kacay iyo waxbaa kala booday, balse taasi waa been abuur aan jirin, waxaan leeyahay kuwa wararkaas faafinaya been ayaad sheegteen," ayuu yiri Sheekh Mukhtaar Roobow.

Afhayeenkii hore ee Xarrakatul Shabaab, wuxuu sheegay inay mideysan yihiin, oo aan lagu aqoon inay kala tagaan, inay kooxo kale kusoo biiraan mooyaane, isagoo sheegay inuusan u jawaabayn kuwa wararkaas faafiyay oo uu ku tilmaamay doqon.

"Mujaahidiinta ayaan u jawaabayaan, waxaana leennahay ma jiro wax khilaaf ah, ee iska hubiya wararkaas oo kale, waayo faasiqiin ayaa faafinaya," ayuu yiri Sheekh Mukhtaar oo sheegay inay soo gabgabeyn doonaan dagaalka ay kula jiraan AMSIOM iyo dowladda Soomaaliya.

Sheekh Mukhtaar, wuxuu daboolka ka qaaday in wararkan ay baahiyeen xubno ka tirsan dowladda ay taageerto Qarammada Midoobay, ayna yihiin kuwo lagu qarinayo khilaafka u dhexeeya oo uu isku casilay ra'iisul wasaarihii hore.

"Xarrakatul Shabaab, ma yaqaanaan mooshin, sidoo kalena iskuma qabsadaan jago, wararkaasna waa kuwo ay dowladdu ku doonayso inay ku qariso khilaafkeeda," ayuu si cad u yiri Sheekh Mukhtaar, isagoo sheegay inuusan hadafkooda waxba u dhimayn.

Dagaallada ka socda Soomaaliya, ayuu sheegay inay wax ku leeyihiin mujaahidiinta ka dagaalama Afgaanistaan, Marooko iyo dalal kale oo caalamka ku yaalla, sidoo kalena ay gacan ka geystaan shacabka Soomaaliyeed.

"Waxaan u sheegaynaa hoggaamiyaha Al-Qaacida Sheekh Osama Bin Laden, inaan weli mideysannahay, aana nahay ardadiisii, dagaalkana aan wadayno inta aan ka dhimanayno," ayuu Sheekh Abuu-Mansuur u sheegay warbaahinta Muqdisho, isagoo xusay in jihaadka socda ay dad badan god u galeen, iyaguna ay sugayaan geeri.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Maxkamadihii Islaamka ay burbureen markii ay ka leexdeen dariiqii saxda ahaa, iyaguna aysan ka leexanayn dariiqa, wuxuuna xusay in taasi ay tahay sababta keentay midnimadooda.

Hadalkan, ayaa imaanaya iyadoo dhawaan la shaaciyay inuu jiro khilaaf u dhexeeya hoggaamiyaha Xarrakatul Shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr iyo Sheekh Mukhtaar Roobow, ayna xubno ka tirsan ciidamadooda kala baxeen Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya