Sabti, October 09, 2010 (HOL) − Dagaallo u dhexeeyay ciidammada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab oo saakay ka dhacay degmooyin ka tirsan Muqdisho, kuwaasoo geystay khasaare isugu jirtay dhimasho iyo dhaawac.
Inta la hubo shan qof oo isugu jira rayid iyo dhinacyadii diriray ayaa dhintay, iyadoo ay dhaawacmeen 10-qof oo kale, kuwaasoo u badan shacab, sida ay gobjoogayaal ku sugan degmooyinka Boondheere iyo Hodan u sheegeen HOL.
"Aroornimadii hor ee saakay, ayaa waxaa degmooyinka Boondheere iyo C/casiis ka bilowday dagaallo iyo duqeymo culus, laba qof ayaana ku dhintay madaafiic kusoo dhacay Boondheere," ayay tiri haweeney ka mid ah kuwa ku harsan degmadaas.
Haweeneydan, ayaa sheegtay in dagaalladu ay qaboobeen saacad kaddib, ayna tahay xaaladdu mid daggan, waxayna ka codsatay dhinacyada uu hardanka u dhexeeyo inay u naxariistaan shacabka oo ay xabbada joojiyaan.
Goobjooge kale, oo ku sugan degmada Hodan ayaa u sheegay HOL in saakay uu ka dhacay degmadaas dagaal xooggan oo ay barbar socdeen duqeymo culus, markii uu qaboobay dagaalkan uu arkay maydad ku dhintay dagaalka iyo dhaawacyo.
"Waxaan arkay dhimashada saddex qof oo dhinacyadii dagaalamay ahaa, sidoo kale, waxaan arkay dhaawacyada dhowr qof oo qaarkood ay aad u darnaayeen," ayuu yiri Cali Nuur oo ah goobjoogaha u warrramay HOL.
Dagaallada, Muqdisho ka socda ayaa waxay galeen maalintii sideedaad, iyadoo ay ku dhinteen inta la ogyahay dad gaaraya 60-qof oo shacab ah, ayna ku dhaawacmeen in ka badan boqol ruux.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya