Sabti, October 09, 2010 (HOL) − Maamulka gobollada Bay iyo Bakool ee Xarrakatul Shabaab ayaa uga digay shacabka ku nool gobolladaas baahinta warar ay sheegeen inay yihiin been abuur.
"Waxaan uga digaynaa shacabka ku nool magaalooyinka waaweyn ee gobollada Bay iyo Bakool inay faafiyaan warar been ah oo sheegaya in Xarrakatul Shabaab uu soo dhexgalay khilaaf, ayna xubnahoodu kala tageen," ayuu yiri Sheekh Mukhtaar Abuu-Muslim oo ka hadlay Baydhabo.
Hoggaamiyahan, oo ka tirsan saraakiisha sarsare ee Xarrakatul Shabaab, ayaa xusay in ciddii lagu helo iyadoo wararkaas faafinaysa ay la kulmi doonto ciqaab adag, inksatoo uusan sheegin nooca ay tahay.
Boqolaal qof, ayaa dhageysanayay hadalka mas'uulkan, waxaana lagu soo beegay arrintan iyadoo ay dhawaanahan socdeen hadallo isa-soo tarayay oo sheegayay inuu jiro khilaaf xooggan soo dhexgalay Xarrakatul Shabaab.
Shacabka gobolladan, ayaa isla dhexmarayay maalmihii ugu dambeeyay inay jiraan xubno sarsare oo ka tirsan Xarrakatul Shabaab oo isaga baxay Baydhabo iyo kuwo ka imaanayay gobollada kale ee dalka oo halkaas gaaray, inkastoo saraakiisha u hadlay Xarrakada ay beeniyeen wararkaas.
Guddoomiyaha degmada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali, ayaa shir jaraa'id oo uu dhawaan qabtay, ku sheegay inay been warar sheegayay inuu isaga baxay Kismaayo, uuna weli ku sugan yahay degmadaas.
Hoggaamiyaha labaad ee Xarrakatul Shabaab, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur) oo isaguna ka hadlay Masjid ku yaalla Muqdisho ayaa beeniyay wararkaas, kuna tilmaamay been la doonayo in shaki cusub lagu abuuro.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya