Khamiis, May 06, 2010 (HOL) − Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaaliyeed (Sharmoc) wuxuu cambaareynayaa falkii waxashnimo ee lagu dilay Weriye Sheikh Noor Mohamed Abkey oo kamid ahaa suxufiyiinta ka howlgeli jirtay Radio Mogadishu, waxaana kooxo ku hubaysnaa Bustoolado ay ku dileen meel aan sidaas uga fogeyyn Hotelka Muqdisho ee degmada Wardhiigley.
Sheikh Noor Abkey oo dilkiisa aysan sheegan ciddii ka dambaysay ayaa bog ay Internetka ku leeyihiin Kooxaha Islaamiyiinta Somalia lagu tilmaamay in uu ahaa nin ka baxay diinta Islaamka taasoo suurtagal ka dhigaysa in dilkiisa ay lugweyn ku lahaayeen Kooxaha Islaamiyiinta Maadaaama ay ku tilmaameen Murtad. Waxaana muuqata in loo dilay shaqadiisa Suxufinimo.
Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Sharmoc waxa uu falkaas ku tilmaamayaa mid waxashnimo isla markaana kasoo horjeeda Diinta Islaamka, Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha qodobkiisa 19-aad kaasoo oranaya qof walba waxa uu xaq u leeyahay in uu helo xuriyad uu ku hadlo waxaa sidoo kale uu kasoo horjeedaa dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed.
Guddigu wuxuu sidoo kale ka dalbanayaa Dowladda KMG ah ee Somalia, Kooxaha Islaamiyiinta iyo dhinacyada hubaysan eek u sugan dhamaan gobalada Dalka Somalia in ay ixtiraamaan Warbaahinta Madaxa bannaan nabad gelyana ay u fidiyaan Weriyeyaasha ku shaqeeya Duruufaha adag ee Dalka ka Jira.
Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee Sharmoc waxa uu mar kale u tacsiyeynayaa dhamaan Eheladii uu ka Baxay Allaha u naxariistee Weriye Sheikh Noor Mohamed Abkey samir iyo Iimaanna uu kasiiyo dhamaan dadkii uu ka tegay oo ay ugu horeyso Umadda Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Sharmoc waxa uu dhaleeceyn dusha uga tuurayaa Ururka Hubaysan ee Xisbul Islaam oo weerar gaystay dhimasho iyo dhaawac ku qabsaday xarunta Caafimaadka iyo Xannaanada ee Xaawo Cabdi oo Cusbiltaal iyo hoy u ahayd boqolaal qof oo Soomaali ah intooda badana ay soo barakiciyeen Dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Guddiga Sharmoc oo booqday Xarunta Xaawa Cabdi ayaa xaqiijinaya in si bareer ah Ururka Xisbul Islaam Maleeshiyaad ka tirsan ay weerareen Xarunta, waxaana xarunta howlo Caafimaad ka weday Hay’adda MSF oo ilaa iyo hadda 20 kamid ah shaqaaleheeda ay u xiran yihiin Ururka Xisbul Islaam.
Waxaa hubaal ah in aysan jirin sabab loo weeraro goob lagu gargaaro shacabka Soomaaliyeed kuwooda nugul, iyadoo dhamaan shacabweynaha Soomaaliyeedna ay ogyihiin howsha ay qabato rugta Xaawa Cabdi oo isu taagtay in ay u adeegto Bulshada Soomaaliyeed.
Weerarkaan ayaa noqonaya mid ka dhan ah Banii aadamnimada laguna xasuusan karo Gummaadkii ka dhacay Rwanda horaantii sagaashamaadkii kaasoo dadka lagu dilayey Xarumaha Caafimaadka iyo goobaha ay megengalaan sida goobaha Xanaanada iyo kuwa cibaadada.
Ugu dambeyn guddigu wuxuu ka dalbanayaa Ururka Xisbul islaam in ay si deg-deg ah uga baxaaan rugta Xaawo Cabdi oo ah goobta lagu kaalmeeyo bulshada Soomaaaliyeed isla markaana dib usoo celiyaan hantidii laga qaatay megna ka bixiyaan wixii ay burbursheen.
Wabilaahi Towfiiq
C/raxmaan Sheekh Xasan Gacal Guddiga Dabagalka SHARMOC
London, United Kingdom
Email. [email protected]