Dowladda Ruushka oo xoog ku furatay Markab Shidaal oo ay Burcadbadeed Soomaaliyeed afduub ahaan u qabsadeen shalay

Khamiis, May 06, 2010 (HOL) - Ciidamada Badda dalka Ruushka oo wata markab wax burburiya ayaa ku guuleystay xalay inay xoog ku furtaan Markab shidaal waday oo arabacdii shalay looga afduubay Ruushka Gacanka Cadan, iyagoo qabtay 10 ka mid ah afduubayaashii mid kalena dilay.

Markabkan shidaalka wada ee la furtay oo lagu magacaabo Moscow University ayaa markii afduubka lagu qabsanayay wuxuu kusii jeeday dalka Shiinaha, waxaana laga qafaashay meel ka basan 350-Mayl Gacanka Cadan.

"Waxaa furashada markabka loo adeegsaday diyaaradaha qummaatiga u kaca iyo doomo dheereeya, kaddib markii uu markabka dagaal si aad ah ugu dhawaaqay markabka shidaalka" ayuu yiri Afhayeen u hadlay Markabka dagaalka.

Shaqaalihii la socday Markabkan oo 23-qof ahaa una dhashay dalka Ruushka ayaa dhamaantood caafimaad qaba, waxaana la sheegay in 20-saacadood ee la haystay markabka ay ku xirnaayeen qoflka laga hago Markabka.

Burcadbadeedda markabka qabsaday iyo ciidamada la socday Markabka dagaalka ee Ruushka ayaa isdhaafsaday rasaas muddo kooban socotay, waxaana halkaas ku dhintay mid ka mid ah burcadbadeeddii, halka tobank kale ay isdhiibeen.

"Mid ka mid ah burcadbadeedda ayaan toogasho ku dilnay markii uu rasaas furay, waxaana ku dhaawacmay mid ka mid ah askartii Ruushka" ayuu yiri Taliyaha ciidanka la socda Markabka dagaal ee Ruushka oo lagu magacaabo Shaposhnikov.

Wararka aya waxay intaas raacinayaan in hubkii iyo qalabkii ay wateen kooxaha burcadbadeedda ah la qabtay, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen qoryaha fudud iyo bambooyinka gacanta laga tuuro.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya