Khamiis, May 06, 2010 (HOL) -Taliska Ciidanka Boliska Bosaaso ayaa qaadaya Talaabooyin ku aadan amni sugida degmada Bosaaso ka dib dilal is xig xigay oo habeenadii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Bosaaso ee xarunta G/Bari.
Qaar ka mid ah Saraakiisha amniga Puntland ayaa xalay Madaxtoyada Bosaaso kula shiray Madaxwayne Faroolle si loo dajiyo xaalado ku soo kordhay Gobolka,isla markaana looga wada hadlo Amniga Puntland.
Kulanka dhexmaray labada dhinac waxaa kaloo lagu soo hadal qaaday xal ka gaarida khilaafaadyo hoose oo u dhaxeeyay Xubno ka mid ah Saraakiisha amniga Gobolka.
Taliyaha Qaybta Boliska Bosaaso Cismaan Xasan afdolow oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta Bosaaso ayaa sheegay in lagu raadjoogo dadkii ka danbeeyay kiisas ka dhacay magaalada Bosaaso oo qaybo kala duwan isugu jira.
Way adagtahay in la soo qabto qof danbiilo ah ,balse waxaan wadnaa dadaalo arimahaasi aaan ugu raadjoogno "ayuu yiri Taliyaha isaga oo ku sugan Bosaaso
Sidoo kale kulanka dhexmaray Madaxwaynaha iyo Saraakiisha amniga waxaa looga hadlay dhibaatada Burcad badeeda iyo sidii dhaqan celin loogu samayn lahaa ,iyadoo Wali ay jiraan Maraakiib lagu haysto Meelo ka mid ah xeebaha Puntland.
Ugu danbayntii Madaxwayne Faroolle ayaa ka codsaday saraakiishii uu la kulmay in la qaado talaabooyin deg deg ah oo lagu hormarinyo amniga guud ee Puntland si looga hortago xaaladaha amni darro ee ka jira Gobolka.
Faisel Maxamed Hassan(Boston),Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya