Wareeggii koowaad ee doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la soo gebagebeeyay


Safka hore Afar ka mid  Musharixiinta: (Bidix ka bilow: Shariif Xasan Shiikh Aadan, Axmed C/llaahi Fanax, C/llaahi Shiikh Ismaaciil iyo Cabdi Kaafi Macallin Xasan)



Jimco, May 28, 2010(HOL): Waxaa la soo gebagebeeyay wareeggii koowaad ee doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ay u sharaxan yihiin shan XIldhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Sida uu ku soo warramayo wariyaheenna magaalada Muqdisho Maxamed Xaaji Xuseen waxaa haatan socota tirinta codadka  wareeggii koowaad ee ay Xildhibaannadii soo xaadiray dhiibteen. Xildhibaannada soo xaadiray doorashadan ayaa gaaraya 374 mudane.

Kursiga Guddoomiyenimada Baarlamaanka ayaa waxaa u tartamaya 5 Xildhibaan, kuwaasi oo kala ah: Xildhibaan Shariif Xasan Shiikh Aadan,  Xildhibaan C/llaahi Shiikh Ismaaciil,  Xildhibaan Axmed C/laahi Xuseen Fanax, Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi Xildhibaan Cabdi Kaafi Macallin Xasan.

Marka ay soo gebagebowdo doorashada Guddoomiyenimada Baarlamaanka ayaa waxaa iyana la dooran doonaa Guddoomiye ku xigeennada Baarlamaanka, iyadoo guddoomiye ku xigeenka koowaad ay u sharaxan yihiin ilaa 8 Musharax.

Haddii loo baahdo wareeg labaad iyo haddii wareegga koowaad lagu kala baxo, kala soco halkan wixii ku soo kordha doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka socota Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]