Ciidamo ka tirsan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo weerar ku qaaday deegaan ku yaalla gudaha dalka Kenya

Jimco, May 28, 2010 (HOL) − Ciidamo ka tirsan Xarrakatul Shabaab ayaa weerar ku qaaday deegaanka Dhadhaja-bula ee dalka Kenya, iyadoo saraakiil u hadlay dalkaas ay sheegeen inay ciidamada weerarka geystay ay ka yimaadeen Soomaaliya.

Weerarkan oo dhacay habeen hore saqdii dhexe ayaa waxaa lagu dhaawacay 5-qof oo isugu jiray dhallinyaro, waayeel iyo caruur, iyadoo kooxaha weerarka soo qaaday ay wateen laba dhallinyaro ah sida dadka deegaanku ay sheegeen.

Guddoomiyaha Gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya James Oli Seriani ayaa xusay in kooxaha weerarka geystay ay si dhaqso ah uga soo gudbeen xuduudda markii ay weerarka fuliyeenna ay ka mar kale ka talaabeen xadka.

"Weerarku wuxuu dhacay habeen hore, waxaana fuliyay koox hubeysan oo wata laba gaari, waxayna rasaas ku fureen magaalada shan qof ayaana dhaawac ay kasoo gaartay" ayuu yiri Cismaan Ibraahim Af-maroor oo mas'uul ka tirsan maamulka Gobolka Waqooyi-Bari.

Afhayeenka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir jaraa'id ku qabtay Kismaayo todobaad ka hor ayaa sheegay inay weerarayaan Kenya haddii ay faraha kala bixi waydo Soomaaliya.

"Gurigeya ayay rasaas badan ku fureen kooxaha hubeysan, laakiin nasiib-wanaag waan ka maqnaa gurigeysa xilligaas, balse gabadheyda Fardowsa ayay xabbadi ku dhacday" ayuu yiri Maxamed Aadan oo la hadlay saxaafadda weerarkaas kaddib.

Fardowsa ayaa ka dhaawacantay caloosha, waxayna ka mid ahayd dhallinyarada dhigta Iskuulka dhexe, waxaana sidoo kale kooxaha weerarka fuliyay ay la baxeen laba wiil oo aan la sheegin halka ay la aadeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya