Jimco, May 28, 2010 (HOL) − Waxaa ka socda xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Muqdisho kulan ay xildhibaannadu kusoo dooranayaan guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka iyadoo dib loo dhigay doorashada guddoomiye ku xigeennada.
Xildhibaannada xaadiray kulanka lagu dooranayo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxay kor u dhaafayaan 360-xildhibaan, waxaana ku sugan Golaha Shacabka oo ay ka dhacayso doorashada shan murashax oo u taagan qabashada xilkan.
Shirka ayaa waxaa goobjoog ah guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo dacwad uu Maxkamadda sare u gudbiyay awgeed dib loogu dhigay doorashada guddoomiye ku xigeennada Baarlamaanka.
"Doorashadu waxay u dhacaysaa si cad, waxaana lagu dooranayaa guddoomiyaha Baarlamaanka ee badalaya Sheekh Aadan Madoobe oo horay isku casilay, waxaana xilkaas qaban doona ciddii loo doorto" ayuu yiri Xildhibaan C/qaadir Daahir.
Inta badan mudanayaasha ayaa la sheegay inay taageersan yihiin Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo loo saadaalinayo inuu xilkaan qabto, waxaana shalay uu buuq ku furay markii uu jeedin lahaa qudbaddiisa xildhibaanno ka horjeeda.
Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka ayaa uga digay mudnayaashii shalay buuqa sameeyay inay mar kale buuq ka furaan baarlamaanka, isagoo sheegay inay amar ku bixiyeen in tallaabo laga qaado guddoomiyihii buuq sameeya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka socota xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Muqdisho
More News
- Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (SHARMOC) oo Walaac ka muujiyey Kororka Khasaaraha gaaray dadka Rayidka ah ee Muqdisho ku sugan
- Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca oo dib ula wareegay deegaanno ay saakay gudaha u galeen Xoogagga Xarrakada Al-shabaab.
- Shariif Xasan Shiikh Aadan oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya
- Shariif Xasan Sh. Adan oo ku guuleystay doorashada guddoomiyaha Baarlmaanka Soomaaliyeed
- Wareeggii koowaad ee doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la soo gebagebeeyay
- Dufcadii 3aad oo arday Somali ah oo ka qalin jabisay Jaamacadda Madras ee Wadanka India (DAAWO SAWIRRO)
- Ciidamo ka tirsan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo weerar ku qaaday deegaan ku yaalla gudaha dalka Kenya
- Wasiirro ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo xalay ka badbaaday Qarax Miino oo lagu weeraray gaadiid ay wateen
- Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo la wareegay deegaanno ay gacanta ku hayaan Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca.