Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ciidamo ay kusoo tababartay Gobollada dalka Soomaaliya geysay Magaalada Muqdisho

Sabti, May 15, 2010 (HOL) − Boqolaal ciidan ah oo Xarrakatul Shabaabul Mujaahdiin tababaro kusoo siisay gobollada dalka qaarkood ayaa la geeyay Magaalada Muqdisho maanta oo Sabti ah.

Ciidamadan oo gaaraya 700 ayaa waxay saarnaayeen gaadiid xamuul, waxaana intii ay socodka ku marayeen inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye daawanayay dadkii dagaallada awgood uga barakacay Magaalada Muqdisho.
Saraakiisha ciidamadan la socday oo saxaaafadda la hadlay ayaa ka gaabsaday inay sheegayaan halka ay ciidamadaas tababarka kusoo qaateen, balse waxay sheegeen inay yihiin kuwo loogu talogalay inay ka dagaalamaan Muqdisho.

Mas'uul u hadlay Xarrakatul Shabaab ayaa sheegay in ciidamadan oo ah dhallinyaro ay diyaar u yihiin loogu talogalay inay la dagaalamaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo ku eedeeyay inay kasoo horjeedaan ku dhaqanka diinta Islaamka.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Xarrakatul Shabaab ciidamo soo geliso Magaalada Muqdisho, waxaana horay ay ugu soo bandhigeen Magaalada oo ay inta badan gacanta ku hayaan ciidamo ay u soo dhameeyeen tababarro.

Xaalka Magaalada Muqdisho ayaan la ogeyn sida uu noqon karo, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay dhawaan sheegtay inay u diyaargarowday inay xoog ciidan kula wareegto deegaannada Muqdisho ee ay gacanta ku hayaan xoogagga hubeysan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya