Xukuumadda Soomaaliya oo ka codsatay Dowladda Ruushka inay caddeyso halka ay ku dambeeyeen 10-Burcadbadeed oo lagu qabtay howlgal

Sabti, May 15, 2010 (HOL) − Dowladda Soomaaliya ayaa ka dalbatay Xukuumadda Ruushka inay caddeyso halka ay ku dambeeyeen 10-burcadbadeed oo lagu qabtay howlgal uu sameeyay Markab Dagaal oo uu Ruushku uu leeyahay oo ku sugan biyaha Soomaaliya.

Warkan oo Jimcihii kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in markii lasii daynayay burcadbadeeddan laga qaatay qalabkii ay wateen oo ay ku jiraan jiheeyayaashii ay barriga ku tegi lahaayeen.

Ciidamada Ruushka ayaa todobaadkii hore xoog kaga furtay koox burcadbadeed ah oo afduub ku qabsaday Markab kuwa shidaalka qaada ah oo marayay Gacanka Cadan, iyagoo israsaaseyn ku dilay mid ka mid ah burcadda intii kalena sii daayay markii ay qalabkii ka qaateen.

Burcadbadeeddan ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen Badweynta Hindiya, kaddib markii ay habaabeen, iyagoo sidoo kale aan wadan wax sahay ah oo ay ku noolaadaan.

"Waxaan weydiisanaynaa Dowladda Ruushka inay sharraxaad naga siiso sababta keentay inay dhintaan muwaadiniinteenna" ayuu yiri sarkaal ka tirsan Wasaaradda Wafaafinta Soomaaliya oo lagu magacaabo C/risaaq Aadan, wuxuu intaa ku daray haddii ay burcadbadeed ahaayeen waxay ahayd in loola dhaqmo si bani'aadamnimo ah.

War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Ruushka ayaa todobaadkii hore lagu xaqiijiyay in burcadbadeeddaas ay ku dhinteen Badda, waxaana si xun u cambaareeyay falkaas hay'ad u doodda Xuquuqda Aadanaha oo fadhigeedu yahay Magaalada Moscow ee xarunta dalka Ruushka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya