Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo degmada Xarardheere ku dhaxmaray Ciidamo ka wada tirsan Ururka Xisbul Islaam.

Sabti, 15, May, 2010 (HOL) Wararka laga hellayo degmada Xarardheere ee Goballka Mudug ayaa sheegaya in halkaa dagaal culus oo sababay dhimasho iyo dhaawac ku dhaxmaray Ciidamo ka wada tirsan Ururka Xisbul Islaam, kadib markii ay isku khilaafeen Labo gaaari oo kuwa Tikinimada ah oo garab ka mid ah dhinacyda dagaallku dhaxmaray kala baxsadeen dagmada.

Inta la og-yahay waxaa dagaallka ku geeriyooday 6 ruux halka 10 kalana ay ku dhaawacmeen oo dhamaantood ka wada tirsan labada dhinac ee dirirtu dhaxmartay waxaana wararku intaa ku darrayaan in mid ka mid ah gadiidkii dagaallku ka dhashay lagu gubay meel qiyaastii 50-km u jirrta degmada Xarardheere halkaa oo ay uga daba tageen kooxihii ku raad joogay.

Dhaawac iyo dhamashada ayaa la dhigay Isbitaalka degmada Xarardheere si halkaa loogu Dawaayo waxaana wali jirrta xiisad ka dhalatay dagaallka dhaxmaray labada dhinac, iyada oo koox ka mid ah Xisbul Islaam ku sii daba jirraan garabkii kale ka baxsaday Xisbigga qeybtooda ku sugan degmada Xarardheere.

Marka loo fiirsado xaalada ka dhaxtaagan degmada Xarardheere waxaa ay muujineysa sida kooxaha ka jirra gudaha dalka Soomaaliya qaarkood xitaa kalsooni buuxda isugu qaban islamarkaana ay si sahlan isugu dhici karaan marka ay soo shaac baxaan arrimaha qaarkood.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya