Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho (DAAWO SAWIRRO)

Cabirka Farta


Sabti, June 19, 2010 (HOL) − Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaamiyo ayaa maanta duhurkii dib ugu laabtay Magaalaada Muqdiho, isagoo ka warbixiyay safarro uu dibadda kusoo maray.

Waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Xilhdhibaannada ugu fara badnaa ee ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo dadweyne ka socday degmooyinka Gobolka Banaadir iyadoo heeo loo qaaday markii uu kasoo dagay diyaaraddii sida gaarka au waday.


Shariif Xasan oo hadal kooban saxaafadda ku siiyay garoonka ayaa sheegay inuu booqasho ku tagay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyo Imaaraadka Dubai ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta uuna kulamo kula soo qaatay madaxda dalalkaas iyo Jaaliyadaha Soomaalida ee ku nool.

"Safarro gaaban ayaan ku tagay Nairobi iyo Dubai waxaana kula soo kulmay Jaaliyadaha Soomaaliyeed iyagoo igala hadlay xaaladda uu dalka ku sugan yahay, sidoo kale madaxdii aan kula kulmay labadaas magaalo waxay si aad ah u daneynayeen ammaanka Soomaaliya" ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka wuxuu sheegay in caalamka uu indha ku hayo arrinta Soomaaliya loogana baahan yahay Xildhibaannada Baarlamaanka inay midoobaan ayna shaqeeyaan iyagoo wadajira si dalka loo samatabixiyo.

"Xildhibaannada Baarlamanaka Soomaaliya waxaa laga doonayaa inay iftiimiyaan xaaladda dalka, haddii uu Baarlamaanku shaqeeyana xukuumadduna way shaqeynaysaa, waxaana nalooga baahan yahay inaan ku dhaqanno sharciyada inoo dagsan" ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya ayaa lagu doortay Muqdisho bishii hore kaddib markii uu kula tartamay xilka guddoomiyenimada Baarlamaanka afar mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Safarka uu kasoo laabtay Shariif Xasan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo uu dibadda dalka ugu baxo tan iyo markii loo doortay guddoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo gaadiidka ciidamada AMISOM ay ka qaadeen garoonka guddoomiyaha iyo Wafdigiisa.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya