Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo Beesha Caalamku ugu baaqay inay taageero siiyaan Dowladda Soomaaliya

Cabirka Farta

Sabti, June 19, 2010 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi oo saxaafadda kula hadlay Magaalada Addis Ababa Jimcihii shalay ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay u baahan tahay taageero caalami ah si ay u soo celiso ammaanka iyo Sharciga.

"Dowladda Soomaaliya waxay haystaa fursad ay nabad kaga dhalin karto dalkeeda, balse waxay u baahan tahay taageero caalami ah" ayuu yiri Meles Zenawi oo intaas raaciyay: "Dagaalka ka socda Soomaaliya khatar kuma ahan Soomaaliya oo keliya, balse waxay khatar ku yihiin caalamka oo dhan".

Meles Zenawi wuxuu sheegay in xoogagga Islaamiyiinta ah ee dagaalka kula jira Dowladda Soomaaliya ay xiriir wanaagsan la leeyihiin Al-Qaacida ayna awood badan ku yeesheen dalka Soomaaliya.

"Dowladda Soomaaliya waxay sameystay horumar intii ay jirtay; laakiinse waxay ku jiraan dagaal maalinle ah oo ay kusoo qaadayaan kooxaha kasoo horjeeda, taasna ma ahan mid indhaha laga qabsan karo" ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya.

Kooxaha Dowladda dagaalka kula jira ee Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam ayuu ku sheegay inay yihiin kuwo aan nabad doonayn, isla markaana horay u caddeystay mowqifkooda oo ah inay qabsadaan Gobolka Bariga Afrika oo dhan.

Shirkii ay dalalka IGAD ku yeesheen Todobaadkii hore Magaalada Addis Ababa ayaa waxay caalamka ku boorriyeen in la taageero Dowladda Soomaaliya, waxaana ay Itoobiya faragelin aan wax natiijo ah dhalin horay ugu sameysay dalka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya