Sabti, June 19, 2010 (HOL) − Guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) oo wareysi siiyay idaacadaha Muqdisho qaarkood ayaa sheegay inay heleen warar sheegaya in Xoogagga Dowladda kasoo horjeeda ay weerar ku yihiin degmadaas.
Axmed Daaci wuxuu sheegay in ciidamadooda ay heegan geliyeen, isagoo xusay in dagaalkii shalay ka dhacay degmada Dharkeynley uu khasaare badan ka dhashay, isagoo sheegay in khasaare uu ka gaaray dad barakac ahaan halkaas u daganaa.
"Waxaan helnay warar sheegaya in xoogagga Dowladda kasoo horjeeda ay weerar kusoo yihiin degmada Wadajir, innaguna diyaar ayaan u nahay inaan iska difaacno weerar walba oo nalagu soo qaado" ayuu yiri Axmed Daaci.
Dagaalkii shalay ka dhacay degmada Dharkeynley oo daris la ah degmada Wadajir ayaa waxaa ka dhashay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac isugu jira gaaray labada dhinac iyo dadka shacabka ee ku nool degmadaas.
"Bandow ayaa lagu soo rogay xaafadii degmada Dharkeynley ee uu shalay dagaalku ka dhacay, waxaana halkaas la geeyay ciidamo badan si ay uga hortagaan dagaal dambe oo lagu soo qaado" ayuu yiri Axmed Daaci.
Guddoomiyaha Degmada Wadajir wuxuu sheegay in degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley ay ku sugan yihiin dad badan oo kasoo barakacay degmooyinka kale ee Muqdisho, ayna diyaar u yihiin inay dadkaas ammaankooda sugaan.
Xoogagga Dowladda kasoo horjeeda ayaan wax jawaab ah ka bixin hadalka kasoo baxay Guddoomiyaha Degmada Wadajir ee ah inay doonayaan inay dagaal ku qaadana, iyadoo degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley ay ka mid yihiin kuwa ay gacanta ku hayso Dowladda Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir oo sheegay inay socdaan qorshayaal ay xoogagga Islaamiyiinta ah ku weerarayaan Degmadaas
Cabirka Farta
More News
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho (DAAWO SAWIRRO)
- Machadka Universal Qardho oo Shahaadooyin Arday Gudoonsiiyey (Sawiro/Warbixin)
- Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo Beesha Caalamku ugu baaqay inay taageero siiyaan Dowladda Soomaaliya
- SHEEKH XASAN DAAHIR AWEYS: "Dagaal lama galayno Xarrakatul Shabaab, waana taas sababtii aan uga soo baxnay Baladweyne"
- Xuskii Sannadguuradii 1-aad qaraxii 18 June 2009 ee ka dhacay magaalada Baladweyne