Jimco, 15 January 2010 (HOL)-Ciidamo iyo gadiid dagaal oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha maamulka Ururka Xisbul Islaam ee Gobolka Hiiraan Sheekh Shuuriye Faarax Sabriye ayaa isaga baxay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, isagoo gaaray Magaalada Buuloburte.
Goobjooge ku sugan Buulo-burte oo la hadlay HOL ayaa sheegay in guddoomiyaha, gaadiid dagaal iyo ciidmo uu wato ay ku sugan yihiin degmada Buulo-burte, halkaasoo ay gaareen xalay saqdii dhexe.
Inkastoo goobjooguhu uusan bixin wax tafaasiil ah oo intaas ka badan ayaa haddana wararka la helayo waxay sheegayaan in Ururka Xisbul Islaam uu ciidamadiisii kala baxay Magalaada Baladweyne, iyadoo ay ku hareen ciidamo ka amarqaata Xarrakatul Shabaab.
Xaaladda Baladweyne ayaa daggan, iyadoo weli lagu kala sugan yihiin buundooyinka isku xira Magaalada, mana jiraan wax dhaqdhaqaaqyo ah oo ka jira gudaha Magaalada, marka laga reebo xaafado dhanka galbeed ku yaalla oo aan weli laga qixin.
Shacabkii ku noolaa Magaalada ayaa u barakacay deegaano ka fog Magaalada, waxaana kasoo yeeraya cabashooyin kala duwan, iyadoo cabshada ugu badan ay tahay biyo la'aan xoogan oo ka jirta deegaanada loo barokacay.
Lama yaqaan sababta dhabta ah ee keentay in ciidamadii iyo maamulkii Xisbul Islaam ee Gobolka Hiiraan ay isaga baxaan Baladwyene oo ay dagaalo iyo xiisado ka jiraan muddo hal todobaad ah, mana jirto wax hadal oo ay saraakiishiisaas kasoo saareen arrintan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya