Jimco, January 15, 2010(HOL):Howgalladan oo muddooyinkii la soo dhaafay ay ciidanka xizbada alshabaab ee Jubbooyinka ay ka wadeen deegaanada koonfur galbeed ee gobolka j/hoose, ayaa waxa ay ku soo qabqabtee tiro dad ah kuwaasi oo la sheegay in si sharci darro ah ay u ooteen dhulal caan ah oo ka dhexeeya dadweeynaha dega deegaanada galbeed ee gobolka j/hoose.
C/casiis Samsamow oo kamid ah saraakiisha xizbada Maamulka alshabaab ee gobollada jubooyinka ayaa waxa uu sheegay in ciidanka ay todobaadyadii lasoo dhaafay howlgallo xooga ay ka wadeen deegaanada kala ah, Buuloxaaji, Biroole, Istanbul iyo deegaano kale oo ka tirsa galbeedka gobolka j/hoose.
Sidoo kale waxa uu sheegay in howlgalladaasi ay ciidamadu ku burburiyeen dhulal ay xirxirmeysteen dadka xoolodhaqatada ah, kuwaasi oo uu ku sheegay in ay yihiin kuwo sharci darro ah, dhulalkuna uu ka dhexeeyo dhamaanba dadka soomaaliyeed ee dega gobollada jubooyinka.
Howgalladani ayaa yimid kagadaal markii uu maamulka alshabaab ee jubooyinka uu digniin u jeediyay dad la sheegay in ay xirxirmaystaan dhulalka caanka ah ee ka dhexeeya bulshada, sida waraha, Harooyinka, iyo Ceelasha.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Xararakada Alshabaab ee Jubbooyinka oo Dad dembiyo loo heysto soo qabqabatay
More News
- Wararkii ugu dambeeyay ee rabshadaha ka dhacay Masjidka Jamie ee Magaalada Nairobi (DAAWO SAWIRRO)
- Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan qado ah Magaalada Nairobi ugu sameeyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya (DAAWO SAWIRRO)
- Wararkii ugu dambeeyay ee Xaaladda Magaalada Beleweyne
- Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam iyo ciidamo uu wato oo isaga baxay degmada Baladweyne iyo xaaladda oo daggan
- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee KULMIYE oo kulamo la yeeshay Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Maraykanka (DAAWO SAWIRRO)
- Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye oo hay'daha gargaarka ka dalbaday inay taageeraan dadkii ka barakacay Baladweyne
- Qorax madoobaad saacado socday oo laga arkay Deegaano Dunida ah oo ay Somaliland
- Iska horimaad xoog leh oo maanta ka dhacay Masjidka Weyne ee Jaamici Mosque ee bartamaha magaalada Nairobi (DAAWO SAWIRRO)
- Go’aanno ka soo baxay kulankii dhexmaray Madaxweynaha SOomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga (DAAWO SAWIRRO)
- Isbitaalada MSF ee Guri cel iyo Beledweyne oo lagu qaabilay 111 dhaawac ah intii u dhexaysay 10-kii iyo 12-kii January