Jimco, 15 January 2010 (HOL)-Golaha odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa ka dalbaday dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Balaweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan inay dagaalka joojiyaan, ayna dadaal u galaan sidii khilaafkooda ay ugu xalin lahaayeen wadahadal iyo nabad.
Afhayeenka golahan Axmed Diiriye Cali oo saxaafadda Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in kooxaha dagaalamaya ay dadka rayidka ah u turaan ayna xabada joojiyaan si ay guryahooda ugu soo laabtaan.
"Kooxaha ku dagaalamaya Magaalada Baladweyne gaar ahaan Gobolka Hiraan waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku joojiyaan xabada" ayuu yiri Axmed Diiriye oo xusay in hay'adaha gargaarka ay ugu baaqayaa inay gargaar la gaaraan dadkii ka barokacay Baladweyne.
Axmed Diiriye wuxuu sheegay in hay'adaha gargaarku ay cirka raashin uga daadiyaan dadka, haddi aysan awood u lahayn inay tagaan goobaha ay ku sugan yihiin, wuxuuna barakacihii ka dhacay Baladweyne ku sheegay kii ugu xumaa ee abid soo mara.
"Dad kale ayaa ka barokacay Dhuusomareeb, balse waxaa ka dagan kuwa Baladweyne, waayo magaaladaas wuxuu dagaal ka socdaa 5-maalmood oo xiriir ah, dadkiina waxay guryahooda uga baxeen dagaalada socda" ayuu yiri Axmed Diiriye.
Kooxaha dagaalada ku jira ayaa dhanka kale ka dalbaday inaysan wax dhibaato ah u geysan shaqaalaha hay'adaha gargaarka inta ay ku howlan yihiin howlaha lagu gargaarayo dadkii isaga barakacay Magaalada Baladweyne.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya