SHEEKH MUKHTAAR ROOBOW: "WFP kama shaqeynayso Soomaaliya iyadoo aan fulin ammarkii ahaa inay raashinka ka gadato beeraleyda dalka"

Sabti 20, Feb 2010 (HOL) Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur) ayaa ka sheegay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay in Hay'adda WFP aysan ka shaqeynayn Soomaaliya iyadoo aan fulin amarradii lagu soo rogay.

Sheekh Abuu-Mansuur oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegay in WFP ay kusoo rogeen amar ahaa inay ka iibsato gargaarka ay bixinayso beeraleyda Soomaaliya, haddii ay taas diidana aysan ogolaanayn inay dalka dib ugu soo laabato.

"Waxaa la leeyahay maxaa loogu diiday WFP inay dalka ka shaqeyso, inaguna waxaan leenahay waxay dhibaato ku haysaa beeraleyda Soomaaliya, ilaa ay aqbasho inay raashinka ka iibsato iyagana kama shaqeynayso dalkeenna" ayuu yiri Sheekh Mukhtaar.

Hogaamiyahan ayaa intaas ku daray in Hay'adda WFP ay doonayso inay kobciso dhaqaalaha Mareykanka oo ay raashinka kasoo iibso, ayna doonayso in beeraleyda Soomaaliya ay baabi'iso, taasoo uu sheegay inay Xarrakadu diidan tahay.

"Halkii loor ee galeyda ah ee laga soo iibiyo dalka Mareykanka wuxuu ku fadhiyaa 50-Dollar, mana ogola in qiimo intaas ka yar ay ka siiso beeraleyda Soomaaliya" ayuu yiri Abuu-Mansuur oo sheegay in beeraleyda Soomaaliya ay kobceen tan iyo markii WFP laga cayriyay Soomaaliya.

Sheekh Mukhtaar ayaa hadalkiisan kusoo beegay xili ay Hay'adaha gargaarka ee Qarammada Midoobay iyo dalka Mareykanku ay hadallo kulul oo dhinaca gargaarka ah isku dhaafsadeen warbaahinta caalamka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya