Sarkaal ka tirsanaa maamulkii Dowladda Soomaaliya ee Goballka Hiiraan oo ku biiray Ururka Xisbul Islaam.

Sabti, Feb, 20, 2010 (HOL) Munaasabad ka dhacday magaalada Beledweyne oo ay soo qaban qaabiyeen mas'uuliyiinta Ururka Xisbul Islaam ee gacanta ku haya magaalada ayaa lagu soo bandhigay sarkaal horay uga tirsanaa Maamulka Dowladda ee ka soo horjeeda xoogagga Magaalada gacanta ku haya.

 

Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam ee Goballka Hiiraan Shuuriye Faarax Sabriye oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in dhinacooda siweyn ugu faraxsan yihiin ku soo biritaanka sarakaalka ka tirsanaa Dowladda Soomaaliya, waxaana uu sheegay in wax lagu farxo tahay in uu isaga soo baxay sarkaalkaasi ku soo biiray kooxo sida uu hadalka u dhigay Guddoomiyuhu u kaalmeynaya cadawgga.

 

C/qaadir Af-dhuub Makaraan oo horay u ahaa isku-duwihii waaxda canshuuraha maamulkii uu hogaaminayay Yuusuf Axmed Hagar Dabageed laakiin hadda ku soo wareegay dhinaca Ururka Xisbul Islaam oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in uu la dhacsan yahay ku soo biiritaankiisa Ururka Xisbul Islaam, waxaana uu intaa ku daray in uu kula talinayo shaqsiyaadka wali ku sii harsan dhinacii uu ka soo tagay in ay ku soo biiraan Ururka Xisbul Islaam.

 

Sarkaalka u soo goostay dhinaca maamulka gacanta ku haya Magaalada Beledweyne ee Ururka Xisbul Islaam ayaa dhowr jeer oo hore ka bad-baaday isku day la doonayay in lagu khaarajiyo, waxaana uu bilihii ugu danbeeyay ku sugnaa deegaanka Ceel-gaal oo ka tirsan Magaalada Beledweyne.

 

Dhinaca kale Shiikh Max'ed Weheliye Odawaa oo ka mid ah Saraakiisha sar sare ee Ururka Xisbul Islaam kuna sugan Magaalada Beledweyne ayaa si kulul uga jawaabay hadal dhawaan ka soo yeeray Culimada Ahlu sunna Waljameeca kuwaa oo sheegay in dhawaan ay qabsan doonaan inta badan Goballada bartamaha iyo Koonfurta dalka Soomaaliya.

 

Max'ed Odawaa waxaa uu ku tilmaamay in hadalkaasi yahay mid leyska yiri oo kaliya, laakiin taa badalkeeda dhawaan laga sifeyn doono kooxaha uu ka tirsan yahay Goballka Galgaduud ayuu intaa sii daba dhigay Shiikh Max'ed Weheliye Odawaa.

 

Sarkaalka ku soo biiray Ururka Xisbul Islaam ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka soo goostay Maamulka Dowladda Soomaaliya tan iyo wixii ka danbeeyay dagaalladii cuslaa ee dhawaan ka dhacay Magaalada.

 

C/raxaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]