Madaxweyanha Dalka Eritrea oo mar kale iska fogeeyay in dalkiisu uu taageero siiyo islaamiyiinta dagaalka kula jira Dowladda Soomaaliya

Sabti 20, Feb 2010 (HOL) Madaxweynaha dalka Eritrea Isias Efewerki ayaa iska fogeeyay in dalkiisu uu taageero kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Eritrea oo Magaalada Musawac ee dalkiisa kula hadlayay wargeys kasoo baxa dalka Sudan ayaa sheegay in ajandahooda aysan ku jirin inay koox gaar oo kasoo horjeedda koox kale ay taageeraan.

"Taageero aan siinno kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya ma jirto, waana hadalo been ah inaan taageerro sinno kooxahaas" ayuu yiri Isias Efewerki.

Mar uu ka hadlay cunnoqabteynta dalkiisa lagu soo rogay ayaa sheegay inay ka dambeeyaan dalalka Itoobiya iyo Mareykanka oo uu sheegay inay ku guuldareysteen siyaasadahoodii guracnaa ee Geeska Afrika.

"Cunnoqabteynta dalkeyga lagu soo rogay waa mid uu ka dambeyo Mareykanka oo ku guuldareystay danihii uu ka lahaa Somalia iyo geeska Afrika labaatankii sano ee ugu dambeysay" ayuu yiri Efewerki.

Sidoo kale wuxuu cambaareyn u soo jeediyay Urur Goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika oo uu sheegay inay taageereen cunoqabteynta dalkiisa lagu soo rogay, isagoo ku tilmaamay kala qaybin lagu hayo dalalka ku yaala Qaaradda Afrika.

Golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay ayaa bishii December ee sannadkii hore kusoo rogay cunnoqabteyn dalka Eritrea, kaddib markii dalalka reer galbeedka ay ku eedeeyeen inay taageero hub iyo dhaqaale isugu jira siiso Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururka Xisbul Islaam.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya