Mas’uuliyiinta Isbitaalka Madiina oo sheegay in aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin warqado digniin ah oo shalay loo daadiiyay Isbitaalka Madiina

Khamiis, October 08, 2009(HOL): Mas’uuliyiinta Isbitaalka Madiina ayaa maanta waxay shaaca ka qaadeen in aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin warqado digniin ah oo habeen hore lagu daadiyay nawaaxiga Isbitaalka, kuwaasi oo ka dhan ahaa mas’uuliyiinta Isbitaalka, Hay’adda ICRC oo Isbitaalka gacanta ku heysa iyo weliba shaqaalaha iyo bukaannada Isbitaalka ku jira.

Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Maxamed Yuusuf Xasan ayaa sheegay in ay howsha Isbitaalka sideedii u sii wadi doonaan, wuxuuna caddeeyay in intii ay howshan samafalka ah wadeen ay khataro badan la soo derseen.

Dr. Maxamed Yuusuf waxaa uu sheegay in ay rumeysan yihiin in warqadaas ay daadiyeen dad aan ahayn dhinacyada isaga soo horjeeda Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in dadkaas ay yihiin kuwo aan damiir lahayn bacdamaa ay digniino u jeedinayaan dad howlo samafal ah u haya badan oo dhibaateysan.

“Waxaa ku qornaa Warqadahaas in Isbitaalka Madiina uu yahay Xero loogu adeego maleeshiyaadka kooxda Riddada, sidaas darteedna loogu baaqayo maamulka, shaqaalaha iyo weliba bukaannada jiifa in ay isaga baxaan”ayuu yiri Dr. Maxamed Yuusuf oo shalay u warramayay laanta Afka Soomaaliya ee BBC-da.

Dr. Maxamed Yuusuf waxaa uu sheegay in eedeynta loo soo jeediyay ay tahay mid aaney waxba ka jirin, isla markaana uu Isbitaalka Madiina u adeego shacabka Soomaaliyeed ee ay dhibaatooyinka ka soo gaaraan dagaallad, “saaka markii aan warqadahaas digniinta ah arkeyno waxaan xalay oo dhan ku jirnay shaqo ay ugu gurmaneynay dad dhaawacyo qabay oo Isbitaalka la soo gaarsiiyay, kuwaasi oo aan qalliinkooda ku gaarnay ilaa 12-kii habeennimo ee Xalay”ayuu mar kale Dr. Maxamed Yuusuf Axmed.

Waqtigan waxaa Isbitaalka Madiina ku jira bukaano gaaraya 165 ruux, kuwaasi oo qaba dhaawacyo ka soo gaaray dagaallada ka socda Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya