Khamiis, October 08, 2009(HOL):Wararka naga soo gaaraya Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in saaka uu degmadaas ka dhacay banaanbax roob-doon ah, kaasi oo ay ka wada qeybgaleen dadka degmadaas ku dhaqan iyo weliba saraakiisha maamulka ee degmadaas gacanta ku haya.
Banaanbaxan oo ahaa mid ay isugu yimaadeen dad aad u badan ayaa waxay dadka Allaah uga baryayeen in uu ka dulqaado abaaraha, isla markaana uu roob u keeno. Saraakiil ka tirsan maamulka Al-Shabaab ee degmadaas gacanta ku haya ayaa dadkaas la hadlay.
Degmooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Bakool ayaa dhawaanahan waxaa laga soo sheegayay abaaro waxyeello gaarsiiyay dad iyo duunyo degmooyinkaas ku dhaqan. Duunyo badan oo ay dhaqanayeen dad ku nool degmooyin ka tirsan Gobolka Bakool ayaa la sheegay in ay harraad aawgii nafta uga baxday.
Guddi la magac baxay Guddiga Gurmadka Abaaraha Gobollada Bay iyo Bakool ayaa sahan qaatay muddo shan maalmood ah wuxuu dhawaan ku soo sameeyay deegaanno ka tirsan Gobollada Bay iyo Bakool oo ay abaartu si daran ugu dhufatay.
Cawil Axmed Cabdi oo xubin ka ah guddigaas ayaa dhawaan Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda waxaa uu u sheegay in Tuulooyin ka tirsan Degmada Waajid ay ku soo arkeen dad iyo xoolo abaarsaday oo qarka u saaran inay biyo iyo baad la’aan u dhintaan.
“Meelaha ugu daran ee aan dadkan abaarta ku dhufatay aan ku soo aragnay ayaa waxay kala yihiin Waajid, Rabdhuurre, Ceel Barde, Xudur, Berdaale iyo kuwo kale oo u dhow, dadka deegaannadaas ku noolna waxay halis ugu jiraan in ay dhintaan”ayuu yiri Cawil Axmed Cabdi.
“Intii aan sahanka ku jirnay ma aanan soo arkin dad dhintay, laakin waxaan soo aragnay xoolo biyo la’aan iyo abaarta darteed u bakhtiyay”ayuu yiri Cawil Axmed Cabdi oo sheegay in ay hubanti tahay in ay abaartaas saameyn doonto dadka waa haddii buu yiri aanan gurmad deg deg ah lala gaarin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya