
Khamiis, October 08, 2009(HOL): Madaxda ururada suxufiyiinta dunida carabta ayaa waxaa uu maanta shirkooda sanadlaha ah ugu soo gabagabooday caasimadda dalka Urdun eee Cammaan.
Shirkan oo ay isugu yimaadaan sanad waliba hoggaamiyashaasa suxufiyiinta dunida carabta ayaa waxaa looga hadlay xaaladda suxufiyiinta dalalka carabta, caburinta lagu hayo saxaafadda dalalka carabta, dilka iyo handadaada ka dhanka ah suxufiyiinta Soomaaliya, Ciraaq iyo Falastiin.
Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee IFJ oo shirkan sanad waliba u soo abaabula suxufiyiinta Carabta ayaa hoosta ka xariiqday in dhibaatada lagu hayo saxaafadda dunida Carabta ay tahay mid aan loo dulqaadan karin ayna dhalisay in IFJ ay kordhiso taageerada ay u heyso ururada suxufiyiinta dalalka Carabta gaar ahaan kuwa ka howl gala dalalka Soomaaliya, Ciraaq iyo Falastiin.
Guddoomiyaha IFJ Jim Boumelha iyo Xoghayaha Guud ee IFJ Mr Aidan White ayaa tilmaamay in dhibaatada ku haysata suxufiyiinta dalalka Carabta ay maalin waliba soo kordhayso ayna taas ugu wacan tahay khilaadyada siyaasadeed ee ka jira dalalka qaar oo ay timaameen Soomaaliya, Ciraaq, Falastiin iyo dalka Yemen oo suxufiyiin badan lagu waayay meel ay dhigeen jaan iyo cirib.
Shirkan oo uu marti gelinayay Ururka Suxufiyiinta ee Urdun ayaa waxaa kasoo qeyb galay wafdi ballaaran oo ka socday Ururka Jaamacadda Carabta si xal loogu helo mushkiladda heysata suxufiyiinta carbeed.
Dalka Soomaaliya oo xubin buuxda ka ah Jaamacadda Carabta ayaa waxaa ka qeybgalay wafdi ka socday Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ. Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cismaan iyo Madaxa NUSOJ ee gobolada Puntland Burhaan Axmed Daahir ayaa ku matalay ururka NUSOJ shirkan oo si weyn cambaareeyay dhibaatada naxariis darrada ah ee lagu hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Burhaan Ahmed Daahir oo jeediyay warbixinta dalka Soomaaliya ayaa ku nuux nuuxsaday in Suxufiyiinta Soomaaliyeed ay ku shaqeeyaan duruuf aysan ku shaqeyn suxufiyiinta howlgala dalalka kale.
“Wariyaasha Soomaaliyeed waxay ku dhex shaqeeyaan cadaw badan oo uun doonaya in ay aamusiyaan. Dhiiga wariyaasha in la daadiyo oo ciddii geysatana aan la xisaabin waxay noqotay wax joogta ah. Dilka wariyaasha waa mid soo laablaabtay cid loo ciqaabayna ma jirto. Muqdisho ayaa ah meesha ugu daran ee wariyaasha lagu dhibaateeyo, laakiin Puntland ayaa maalmahan dambe waxay noqotay meel dhibaato loogu geysto suxufiyiinta.” Ayuu yiri Burhaan Axmed Daahir.
Ururka Caalamiga ah ee ay ku mideysan yihiin Ururada shaqaalaha ee magciisa loo soo gaabiyo ITUC ayaa sheegay in xaaladda Soomaaliya ay tahay mid laga naxo.
Kulankan oo bilowday maalintii Isniinta ayaa maanta (shalay) lagu soo gabagabeeyay Hotel Geneva oo ku yaalla magaalada Cammaan ee Dalka Urdun, waxaana laga soo saaray bayaan lagu taageerayo halganka suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya