Axad, 18 October 2009 (HOL): Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa maanta bedelay xubin uu hore ugu magacaabay Guddida Doorashooyinka Qaranka, ka dib markii Madaxweyne Rayaale uu saddex jeer ku soo celiyay xubintaas oo ahayd Haweenay. Halka maanta ay Ilhaan Maxamed Jaamac oo ahayd Haweenayda kaliya ee Komishanka loo magacaabay oo uu soo xulay Xisbiga KULMIYE, balse Madaxweynuhu diiday, ay ka shaacisay inay xilkaa iska casishay.
Xubinta uu Madaxweynuhu u diiday inay gasho Komishanka oo lagu magacaabo Ilhaan Maxamed Jaamac, isla markaana ah xubinta kaliya ee haweenay ka ah xubnaha loo magacaabay inay Komishanka cusub ka mid noqdaan, ayaa sheegay inay iska casishay Xilkaa, ka dib markii uu Madaxweynuhu sadddex jeer diiday inay ka mid noqoto Komishanka.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta soo magacaabay xubinta bedelaysa Ilhaan Maxamed Jaamaca, waxaanu ku shaaciyay Warsaxaafadeed uu isla maanta soo saaray.
Warsaxaafadeedkaas oo HOL soo gaadhay, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;
“ “KU: MADAXWEYNAHA JSL
MD. DAAHIR RAYAALE KAAHIN
HARGEYSA
UJEEDDO: BUUXINTA XUBINTA KOMISHANKA DOORASHOOYINKA QARANKA EE XISBIGA KULMIYE
Mudane Madaxweyne,
Tix-raac qoraalka summadiisu tahay JSL/M/GXK/009-1807/102009, ee ku taariikhaysnaa 17/10/09, waxa aan halkan kuugu soo gudbinayaa bedalaadii aad naga codsatay ee xubintayada Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxaanuna u soo xulnay xubintaasi Md. Cali-khadar Xasan Cismaan.
Waxaanu mar labaad kaa rajaynaynaa inaad xubintaas u gudbin doonto Golaha Wakiillada, si ay waajibaadkooda uga gutaan.
Wa Billaahi Tawfiiq
Md. Axmed Maxamed Siilanyo
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE.”
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland