Maamulka Xisbul Islaam ee Degmada Luuq oo sheegay in ay u soo galeen Ciidamo ka soo goostay Dowladda Soomaaliya

Axad, October 18, 2009(HOL): Madaxa Ammaanka Maamulka Xisbul Islaam ee Degmada Luuq ee Gobolka Gedo Shiikh Xasan Al-Ciraaqi ayaa sheegay in ay u soo galeen Ciidamo ka soo goostay Dowladda Soomaaliya.

Shiikh Xasan waxaa uu sheegay in Ciidamo taabacsan Dowladda Soomaaliya oo dhawaanahan  ku sugnaa Degmada Doolow ay isu soo dhibeen Xisbul Islaam, wuxuuna caddeeyay in ciidamadaas oo hubkooda wata ay soo dhaweeyeen.

Waxaa uu sheegay Shiikh Xasan Al-Ciraaqi in ay Ciidamadaas dhankooda soo mareen kaddib markii ay wada hadallo  iyo is-faham dhexmareen saraakiil hoggaamineysa ciidamadan.

Hadalka Shiikh Xasan Al-Ciraaqi ee ku saabsan in Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay dhankooda u soo goosteen ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan ciidamo ka tirsanaa Xisbul ay isu dhiibeen Dowladda Soomaaliya.

Dhanka kalena, Shiikh Xasan Al-Ciraaqi waxaa uu sheegay in ay  dhexgaleen beelo dhawaan ku dagaallamay Degmada Luuq ee gobolka Gedo, wuxuuna caddeeyay in heshiis ay beelahaas dhex dhigayaan ay u cuskan doonaan Shareecada Islaamka.

Waxaa uu sheegay  Shiikh Xasan Al-Ciraaqi in ay Beelaha Dagaallamay ogoleysiiyeen in ay soo dhiibaan dadka gacan-ku-dhiiglayaasha ah ee dilalka geystay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in arrinta gacan-ku-dhiiglayaasha loo cuskan doono Shareecada Islaamka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya