Maamulka Puntland oo xabsi sanado kala duwan ah ku xukumay Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah oo ay Ciidamada Faransiiska ku soo wareejiyeen

Axad, October 18, 2009(HOL): Maxkamadda Darajada Koowaad ee Maamulka Puntland ee ku taalla magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxay xukunno sanado kala duwan ah ku riday shan nin oo dembi burcad badeed ah lagu helay.

Shantaas nin ee Burcad Badeedka ah ayaa waxaa maamulka Puntland ku wareejiyay Ciidamada Faransiiska ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya, waxaana raggani la soo qabtay kaddib markii ay ku qaldameen markab dagaal oo Faransiiska laga leeyahay, kaasi oo ay doonayeen in ay af-duubtaan.

“Burcad Badeedda oo shan ah, dhawaanna ay nagu soo wareejiyeen Ciidamada Faransiiska waxaa la hor geeyay Maxkamadda Darajada koowaad ee Boosaaso, waxaana lagu riday xukunno kala duwan”ayuu yiri Maxamed Rashiid oo ka tirsan Saraakiisha Ammaanka Puntland.

“Dembiga lagu helay waxaa ka mid ah in ay ku lug lahaayeen burcadnimo hubeysan, af-duub iyo Burcad Badeednimo, waxaana loo diray xabsi kaddib markii ay qirteen dembigaas”ayuu mar kale yiri Maxamed Rashiid.

Qaaliga Maxkamadda Darajada Koowaad ee Puntland Maxamed Cabdi Awaare ayaa sheegay in shanta burcad badeedda ah lagu kala xukumay shan sano ilaa seddex sano, wuxuuna caddeeyay in ay sanadahaas xabsiga ku soo qaadan doonaan.

Raggani Burcad Badeedda ah ee uu xukumay maamulka Puntland ayaa waxay 7-dii bishan si qalad ah isugu dayeen in ay af-duubtaan markab dagaal oo faransiiska laga leeyahay, kaasi oo burcad badeedda soo ceyrsaday kaddibna qab-qabtay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya