Dagaal xooggan oo ka dhacay Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho

Arbaco, 13 May 2009 (HOL): Dagaalkan oo dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo xooggan hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa wuxuu maanta ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Wardhiigley ee Gobolka Banaadir.

Dagaalkan oo socday saacado badan ayaa wuxuu xooggiisa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Florenza iyo Afarta Jardiino ee Magaalada Muqdisho, iyadoo Isgoyska Siinaay oo labadaas Isgoys u dhaxeeyana ay dhinacyada dagaallamay dhowr jeer kala qabsadeen.

Khasaaraha uu dagaalkan geystay ayaa inta la xaqiijiyay waxaa uu gaarsiiyay dhimashada dad ku dhow 10 ruux iyo dhaawac ku dhow 100 ruux, kuwaasi oo u badnaa dad rayid ah oo ay guryahooda iyo goobahooda ganacsiga ku haleeleen madaafiic iyo rasaas habow ah.

Dagaalkan oo dhinacyada dhexmaraya ay isku horfadhiyaan aagaggii ay ku dagaallameen ayaa wuxuu u muuqdaa mid aaney sahlaneynin xal u heliddiisa, waxayna labada dhinac sameynayaan isu hub uruursi la dareemi karo.

Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ayaa haatan waxay ciidamada Dowladda kula dagaallamayaan meel aan u dheereyn Xarunta Madaxtooyada, waxayna taasi muujineysaa sawir ah in aaney Dowladda u diyaar ahayn awood ay dib ugu celiso Xoogagga ka soo horjeeda. Dhawaan ayay ahayd markii Xoogagga Dowladda ka soo horjeeda ay la wareegeen fariisimo ay Ciidamada Dowladda horay u joogeen.

Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa haatan waxay tahay mid kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in ay dagaalladan ku sii fidaan degmooyin kale oo aan ahayn Degmooyinka Yaaqshiid iyo Wardhiigley ee Gobolka Banaadir.

Wixii ku soo kordha Xaaladda Magaalada Muqdisho kala soco halkan haddii uu Alle idmo

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya