Dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho oo iyagoo hooy la’aan ah uu roob kula da’ayo duleedka Muqdisho

Arbaco, 13 May 2009 (HOL): Dadkii maalmihii aynu ka soo gudubnay ka barakacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu roob kula da’ayaa duleedka  magaalada Muqdisho, gaar ahaan Deegaannada KM13, Ceelasha Biyaha, Xaawo Cabdi iyo Lafoole.

Dadkani oo qaarkood markii ay guryahooda ka carareen aan qaadan sahay haddii ay ahaan lahayd wax ay dhaxanta iyo kuleylka ka hoosgalaan ayaa waxaa xalay dushooda ku hooray roobkii guga oo ka da’aya Gobollada Shabeelooyinka iyo Banaadir.

Qaar ka mid ah dadkan ayaa waxay ka codsadeen Hay’adaha Samafalka iyo cid kasta oo wax heysata in ay la soo gaaraan gurmad deg deg ah, si gaar ahna waxay u codsadeen bacaha roobka laga galo oo ah kuwo ay haatan ugu baahida badan yihiin.

Deegaannada ay dadkani u barakaceen ayaa waxaa horay ugu noolaa dad badan oo ku barakacay dagaalladii ka dhacay Magaalada Muqdisho sanadihii 2007-2008, xiligaas oo ay caasimadda Muqdisho ku sugnaayeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u faro badan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya