Roobab ka curtay Magaalooyinka Somaliland qaarkood waqti ay meelo kale ka jiraan abaaro ba’ani

Arbaco, 13 May 2009 (HOL): Roobab laxaad leh oo lagu qabowsaday ayaa ilaa shalay ka da’ayay Magaalooyinka Somaliland qaarkood, kuwaas oo dhawaanahan abaaro ba’ani ka taagnaayeen.

Roobabkan oo ilaa shalay ka da’ayay Magaalooyinka Somaliland qaarkood, sida, Burco, Hargeisa, Ceerigaabo iyo meelo kale, ayaan la soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay, hase ahaatee, waxa ay Wararku sheegayaan in dadka iyo Xooluhuba ku qabowsdeen, isla markaana la rejaynayo in uu noqdo mid ay kaga soo kabtaan abaaro ba’an oo in muddo ahba ka taagnaa Dhulka Soomaalida, gaar ahaan Somaliland.

Roobabkan da’ay ayaa ku soo beegmay waqti isla shalay uun Golaha Wasiirada Somaliland ay ka shireen Abaaraha dalka ka jira, isla markaana ay isku raaceen in dhammaan Dhulka Somaliland laga tukado Salaado roob-doon ah, laguna ducaysto.

Inkasta oo ay jiraan dhul ka tirsan Somaliland oo ay weli ka jiraan Roob-la’aan iyo Abaaro, haddana Roobka shalay ka curtay Magaalooyinkan ayaa noqonaya mid la filayo in uu hordhac u noqdo Raxmaadka Ilaahay.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland