Midowga Afrika oo cambaareeyay Weerar lagu qaaday Ciidamo ka jooga Magaalada Muqdisho

Khamiis, March 19, 2009(HOL): Ergay u hadlay Midowga Afrika ayaa cambaareeyay weerar qaraxyo miino loo adeegsaday oo Arbacadii dhaweyd lagu qaaday Ciidamada ka jooga Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya.

Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Bwakira ayaa warsaxaafadeed uu ka soo saaray Magaalada Nairobi wuxuu ku sheegay in weerar loo adeegsaday Miino Wadada dhinaceeda lagu aasay oo qaraxday ay waxyeello ka soo gaartay qaar ka mid ah Ciidamada Amisom ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Nicolas Bwakira waxaa uu sheegay in weerarkaas lagu qaaday Ciidamadooda uusan wax u dhimi doonin dadaallada nabadeynta iyo dib u heshiisiinta ah ee ay ka wadaan Soomaaliya.

Labo Qarax oo Ciidamada Amisom lagula beegsaday inta u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Isgoyska KM4 ayaa wuxuu geystay dhimashada Askari ka tirsan Ciidamada Amisom iyo dhaawaca seddex kale, kuwaasi oo dhaawacooda loo duuliyay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, si halkaas loogu daweeyo.

Nicolas Bwakira waxaa kale oo uu ku sheegay Warsaxaafadeedkiisa in horumar laga gaaray Arrimaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in  kadib bixitaankii Ciidamada Itoobiya iyo go’aankii Xukuumadda Soomaaliya ee ahaa in Shareecada Islaamka lagu maamulayo Soomaaliya uu wiiqay sawirkii Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee ahaa in ay u dagaallamayaan in Dalka Soomaaliya lagu xukumo Shareecada Islaamka.

Hadalka uu sii daayay Ergayga u hadlay Midowga Afrika ee lagu magacaabo Nicolas Bwakira ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Midowga Afrika uu Ciidamada Amisom u kordhiyay waqtiga ay joogayaan Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia