Qaramada Midoobay oo wel wel ka muujisay suurtagalnimada in uu jiro xiriir u dhaxeeya Burcad Badeedka Soomaalida iyo Maamulka Puntland

Khamiis, March 19, 2009(HOL): Qaramada Midoobay ayaa si weyn uga walaacsan suurtagalnimada in uu jiro xiriir u dhaxeeya Kooxaha Burcad Badeedka Soomaalida iyo Saraakiil ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland.

Warbixin uu soo saaray Xoghayah Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon loona gudbiyay Golaha Ammaanka ayaa lagu sheegay in labo shabakadood oo Burcad Badeed ah ay ka dhisan yihiin deegaanno ka tirsan Puntland.

“Waxaa jira warbixinno sheegaya in ay xubno ka tirsan Maamulka Puntland ay ku lug leeyihiin dhaqdhaqaaqyada Burcad Badeedyada”Warbixinta uu soo saaray Ban Ki-Moon ayaa sidaas lagu sheegay, inkastoo Warbixinta ay sii xustay in madaxda sare ee maamulka Puntland (kuwii hore iyo kuwa hadda jooga)  ay qaaden tallaabooyin ay kula dagaallamayaan Burcad Badeedka.

Kooxo Burcad Badeed ah ayaa waxay ka af-duubteen Gacanka Cadmeed oo isku xira Yurub, Aasiya iyo Bariga Dhexe iyadoo la sii marayo Kanaalka Zuweyz Maraakiib dhowr ah kuwaasi oo qaarkood laga siiyay lacag Tobanaan Milyan ah.

Maraakiib dhowr ah oo badankood ay ka socdaan dalalka Reer Galbeedka ayaa waxay ku sugan yihiin Xeebaha Soomaaliya, iyagoo halkaasna u jooga fulinta Howl-gal loogu magac-daray Atalanta, kaasi oo ay kula dagaallamayaan Kooxaha Burcad Badeedka Soomaaliya. Tan iyo intii ay Maraakiibtaas soo gaareen Xeebaha Soomaaliya waxay qabteen Burcad Badeed Soomaali ah, kuwaasi oo qaarkood loo gudbiyay Dalka Kenya, si halkaas loogu maxkamadeeyo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia