Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo Waqtiga jiritaankiisa kororsaday

Khamiis, March 19, 2009(HOL): Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo maanta shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sameystay muddo kordhin gaareysa 2 sano iyo lix bilood oo maanta ka bilaabaneysa.

Shirkaas oo ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa markii ay Mudanayaasha Golaha Deegaanka ka doodeen waxaa cod la geliyay labo mooshin oo Golaha la hor-geeyay, kuwaasi oo kala ahaa in Golaha la kala diro iyo in waqtiga loo kordhiyo, looguna daro labo sano iyo lix bilood oo  maanta ka bilaabaneysa, waxaana la isku raacay labadaas mooshin si gacan-taag ah loogu codeeyo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur) ayaa cod-bixintaas kadib wuxuu saxaafadda u sheegay sida loogu kala codeeyay labadaas mooshin, “shirka oo ay fadhiyeen 55 Mudane oo Golaha Deegaanka ka tirsan 53 ka mid ah waxay u codeeyeen in Golaha Deegaanka Waqtiga loo kordhiyo, waxaa diiday labo Mudane oo u codeysay in Golaha Deegaanka la kala diro”ayuu yiri Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur.

C/llaahi Cartan Jimcaale oo ka mid ah labada mudane ee waqti-kordhinta diiday ayaa sheegay in ujeedadii loo doortay Golaha Deegaanka  ay ahayd in ay bulshada u adeegaan, horumarna gaarsiiyaan, laakin ay taasi dhici weysay, “muddo 4 bilood ku dhow ayaan maamul ahaan iyo Xildhibaanno ahaan dhisannahay, waana ku guuldarreysanay in aan wax qabanno waxyaabihii naloo doortay, sidaas darteed waxaan door-bidnay in aan meesha u banneyno ciddii wax qaban karta”ayuu yiri C/llaahi Cartan.

Golaha Deegaanka G/Banaadir waxaa dhistay Xukuumaddii uu Ra’iisal Wasaaraha ka ahaa Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), waxayna mudadii jiritaankiisa ahayd 120 maalmood (Afar Bilood).Waxyaabihii  loo igmaday Golaha Deegaanka  in uu wax ka qabto waxaa ka mid ahaa sugidda Ammaanka Gobolka Banaadir, Soo celinta Dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho iyo weliba Fududeynta Gargaarka Bani’aadannimada.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia