Khamiis, July 30, 2009Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa waxay maanta ku dagaallameen nawaaxiga Isgoyska KM5 ee Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalkaasna uu ahaa mid la isugu adeegsaday rasaas xooggan.
Dagaalka labada ciidan dhexmaray ayaa wuxuu geystay dhimashada hal askari oo ka mid ah dhinacyadii dagaallamayay iyo dhaawac shan ruux oo kale, kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah.
Sababta keentay dagaalka dhexmaray ciidamada dowladda ayaan ilaa iyo haatan la ogeyn, waxaase loo maleynayaa in uu ka dhashay is-qoonsasho dhexmartay ciidamadaas oo dabcan aan lahayn Taliye kaliya oo ay ka amar qaataan.
Intii uu socday dagaalka dhexmaray ciidamadan ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa waxaa hakad galay isu socodkii dadka, gaadiidka iyo ganacsiga deegaanka KM5, iyadoo weliba ay xusid mudan tahay in ay rasaas habow ah gaareysay Isgoysyada KM4 iyo meelo kale oo ka sii fog.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ay gudaha magaalada Muqdisho ku dagaallamaan ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya, waxaana jirtay dhowr jeer oo hore oo sidan oo kale ay u dagaallameen ciidamada dowladda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya