Dowladda Mareykanka iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Dowladda Eritrea ugu baaqay in ay joojiso ficillada ka dhanka ah nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya

Khamiis, July 30, 2009(HOL): Dowladda Mareykanka ayaa Dowladda Eritrea u sheegtay in ay heysato Waqti yar oo ay ku joojin karto faragelinta  dhinaca amniga ah ee ay ku heyso Soomaaliya.

Danjiraha Dowladda Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Susan Rice ayaa sheegtay in ay Dowladdeeda si weyn uga careysan tahay sida ay u tiri dhaqanka aan wanaagsaneyn ee Dowladda Eritrea ku heyso Soomaaliya, gaar ahaan hubeynta kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.

“Waa wax aan la aqbali karin oo aysan u dulqaadan karinj wadamada kale ee ku jira golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay mowqifka Eritrea ee Arrimaha Soomaaliya”ayay tiri Susan Rice oo u warrameysay Guddiga arrimaha Dibadda ee Aqalka Odayaasha Mareykanka.

“Waxaan sii wadi doonnaa in aan kala hadalno saaxibadeena ku jira Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in Dowladda Eritrea laga qaado tallaabo macquul ah oo ku aadan dhaqdhaqaaqyadeeda Soomaaliya”ayay mar kale tiri Susan Rice.

Dhanka kalena, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale u sheegay Eritrea in ay joojiso dhaqdhaqaaqyada caqabadda ku ah nabad ku soo dabaalidda soomaaliya, iyadoo sidoo kalena uu Golaha caddeeyay in cid kasta oo nabadeynta Soomaaliya ka soo horjeesata tallaabo laga qaadi doono.

Bishii May e aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii Urur Goboleedka IGAD uu ku baaqay in cunaqabateyn lagu soo rogo Dowladda Eritrea, waxaana baaqaas soo dhaweeyay Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, inkastoo aan ilaa iyo haatan baaqaas ficil ahaan loo fulin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya