Qaar ka mid ah Ciidamada Amisom oo la sheeegay in la sumeeyay

Khamiis, July 30, 2009(HOL): 8 Askari oo ka tirsan Ciidamada Amisom ee nabad ilaalinta u jooga caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa looga shakisan yahay in la sumeeyay, iyadoo askartaasna haatan lagu daweynayo Isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Askartan ayaa laga cabsi qabaa in ay ku sumoobeen biyo ay cabeen, kuwaasi oo ay sun ugu dareen xoogagga ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan, sidaasna waxaa shaacisay Jariidada Daily Monitor ee ka soo baxda dalka Uganda.

Laakin Afhayeenka Ciidamada Amisom Major Barigye Ba-Hoku ayaa beeniyay warkaas ku saabsan in qaar ka mid ah Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan la sumeeyay, wuxuuna caddeeyay in jirrada ku dhacday ciidamadooda ay tahay mid caadi ah oo ku dhacda dadka Soomaalida ah ee  ku nool dibadda xirada ay kaga sugan yihiin Magaalada Muqdisho.

“Dhaqaatiir Kenya u dhalatay iyo kuwo ka tirsan Ciidamada Amisom ayaa waxay baarayaan waxa sababay xanuunka ku dhacay Ciidamada Amisom, waxayna dhawaan soo saari doonaan warbixin”ayuu yiri Major Ba-Hoku oo isna u warramayay Jariidadda Daily Monitor.

Ciidamadan la sumeeyay ee Amisom oo ka socda Dowladda Uganda ayaa waxay qeyb ka noqonayaan 50 askari oo qaarkood ka socdaan Dowladda Burundi, kuwaasi oo xanuun midkan la mid ah uu  u soo ritay.

Afar Askari oo ka mid ah Ciidamada Uganda ayaa Talaadadii aynu ka soo gudubnay waxaa loola cararay Isbitaalka caalamiga ah ee Nairobi, si halkaas loogu soo daweeyo. Dhaqtar u hadlay Ciidamada Amsiom oo lagu magacaabo James Kiyengo ayaa sheegay in Ciidamadaas ay qaadeen bacteria ka dhalata kaadida doolliga

“Waxaan rumeysan nahay in xanuunkaas uu ka dhashay doolli ku kaadiyay keydka biyaha ee ay Ciidamada isticmaalaan: ayuu yiri James Kiyengo oo intaas ku daray in cudurkan marka uu qofka ku dhaco uu leeyahay qando iyo nambro jirka soo baxa.

Wuxuu sheegay James Kiyengo in ay dawo ka heleen Hay’adda Islamic Relief ee Mareykanka iyo Hay’ad kale oo xiriirka caalamiga ah qaabilsan, taasina fadhigeedu yahay Korea, wuxuuna sheegay in dawadaas ay u isticmaali doonaan daweynta askarta iyo weliba dadka soomaaliyeed ee buka.

Tan iyo markii uu Ciidamada Amisom ka dhex dillaacay cudurkan waxaa uu geeriyooday afar askari oo Burundi ah, halka haatan laga daweynayo 50 Askari oo kale, kuwaasi oo ka kala socda Dowladaha Burundi iyo Uganda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya