Hay'adda WFP oo soo gabagabeysay raashin-qeybin ay ka waday qeybo ka mid ah Xaafadaha Magaalada Beledweyne


Khamiis, 15, Janoury, 2009 (HOL)  Todobaadyadii aynu soo dhaafnay waxaa qeybo ka mid ah Xaafadaha Magaalada Beledweyne ka jiray howlo hay'adda WFP raashin ku gaarsiineysay dadka tabaaleysan ee ku jira qaar ka mid ah Xeryaha dadka soo barkacay ee Magaalada.
 
Hay'adda Muslim Aid oo gacan ka geystay gaarsiinta raashinka dadka tabaaleysan ayaa xiriiriyaheeda Goballada Dhexe Xuseen Dhuubow waxaa uu sheegay in si gaar ah diiradda loo saarayay dadka aadka u jilicsan haddii ay ahaan lahaayeen kuwa ku dhaqan Xaafadaha iyo waliba kuwa ku jira Xeryaha dadka soo barakacay, isagoo intaas raaciyay in qeybintu ku soo dhamaatay sidii loogu talagalay.
 
Sidoo kale Xuseen Dhuubow waxaa uu sheegay in si looga fogaado wax isdaba marin mas'uuliyiinta labada dhinaca WFP iyo waliba Muslim Aid si joogta ah ula socdeen sida qeybintu u socoto, taasoo keentay ayuu yiri in gar gaarku gaaro dhamaan dadkii u baahnaa.
 
Qaar ka mid ah qoysaskii helay raashinka ayaa u mahad ciliyay Hay'adaha WFP iyo Muslim Aid ee iska kaashaday qeybinta gargaarka, waxaana ay intaas ku dareen Qoysaskii u waramay HOL in ay heleen raashin in muddo ah ku filan.
 
Goballka Hiiraan ayaa waxaa uu ka mid yahay qeybaha dalka ee sida weyn ugu barkaceen Qoysaskii ka tagay dirirta Magaalada Muqdisho horraantii sanadkii aanu soo dhaafnay, mana helin wixii waqtigaas ka danbeeyay gargaar ku filan.
 
Hay'adda Muslim Aid ayaa marka laga soo tago gacanta ay ka geystay qeybinta raashinka ay bixisay hay'adda WFP waxaa ay kol hore gaarsiisay xeryaha ay ku jiraan dadka soo barkacay deeq dawo ah maadaama ay jiraan dad aan awood u laheyn in ay iibsadaan.




 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia