Waddooyinka Wadnaha, Sodonka iyo Warshadaha oo dib u howlgalay kadib labo sano ah oo ay u xirnaayeen Ciidamo Itoobiyaan ah

Khamiis, January 15, 2009(HOL): Waxaa saaka si rasmi ah u shaqeynaya Waddooyinka Wadnaha, Sodonka  iyo Warshadaha oo muddo labo sano ah u xirnaa Ciidamo Itoobiyaan ah oo qeybo ka mid ah Waddooyinkaas ku sugnaa.

Waddooyinkaas ayaa waxaa saaka ka shaqeynaya gaadiidkii isaga kala gooshi jiray Waddooyinkaas oo aysan jirin wax gaadiid BL ah oo ka shaqeyn jiray mudadaas labada sano ahayd.

Dad badan oo ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa si weyn u soo dhaweeyay dib u howlgelidda Waddooyinkaas oo dib u furmay kadib markii maalmihii aynu ka soo gudubnay ay ka guurayeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa.

Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa saaka waxay dareemayaan culeys badan oo ka degay iyo xornimo, waayo intii ay Ciidamada Itoobiyaanka ku jireen Muqdisho awood uma lahayn in ay si xor ah u socdaan.

Gaadiidka BL-ka ah ee ka shaqeynaya waddooyinka furmay oo aad u mashquul ah ayaa dadka ugu badan ee raacaya waxay yihiin kuwo doonaya in ay guryahooda soo eegtaan iyo kuwo kale oo u socda in ay soo arkaan meelaha ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia