Ciidamada Itoobiya oo ka wada baxay Magaalada Muqdisho


Afhayeenka Howl-gallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow oo saxaafadda la hadlaya


Khamiis, January 15, 2009(HOL): Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee mudada labada sano ka badan ku sugnaa Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay isaga wada baxay fariisimo ay ku sugnaayeen oo Muqdisho ku yaala.

Fariisimada ay xalay ka baxeen Ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxaa ka mid ah Isgoyska Florenza, Xarunta Villa Somalia, Wasaaraddii Gaashaandhigga, Isbitaalkii Digfeer iyo Xeradii Asluubta.

Ciidamadan oo wata dabaabaadkooda iyo gaadiidkoodii saadka iyo ciidamada ayaa saaka waxay ku sii socdaan Wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, ilaa iyo haatanna lama soo sheegin wax iska hor-imaad ah oo qabsaday intii ay jidka ku soo jireen.

Meelaha ay ka baxeen Ciidamada Itoobiyaanka sida Wasaaraddii Gaashaandhigga iyo Isgoyska Florenza waxaa la wareegay xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka, halka Xaruntii Asluubtana la soo sheegayo in ay la wareegeen gacan ku heynteeda Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow oo warfidiyeenno kula hadlayay Xarunta Wasaaraddii gaashaandhigga kadib markii ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxeen ayaa wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in waqti siiyaan inta ay ka xaqiijinayaan ammaanka goobaha ay Ciidamada Itoobiyaanka ah ka baxeen.

C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu intaas ku daray in ay si weyn ugu faraxsan yihiin in labo sano oo ay halgan ugu soo jireen in Ciidamada Itoobiya baxaan kadib ay maanta xaqiijiyeen waxyaabihii ay u soo halgamayeen, wuxuuna intaas kadib ku baaqay in ay dadka Soomaaliyeed aayahooda ka tashadaan, isla markaana ay Allaah uga mahadceliyaan guusha ay gaareen.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxay horay uga soo baxeen fariisimo ay ka mid ahaayeen Warshaddii Baastada, Xeyla Bariise, qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha, Garoonka K/cagta Muqdisho Stadium, Xaruntii Xisbiga iyo Isgoyska Cali Kamiin, waxaana ka bixitaankooda fariisimadaas iyo guud ahaan magaalada Muqdisho soo dhaweeyay Shacabka Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia