Xildhibaankii seddexaad oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta is-casilay

Talaado, November 25, 2008(HOL): Avv. Xasan Dhimbil Warsame oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta wuxuu ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay Baarlamaanka Soomaaliya.

Avv. Xasan Dhimbil Warsame ayaa sheegay in uu go’aanka is-casilaadda ah qaatay kadib markii uu garwaaqsaday in ku jiristiisa baarlamaanka aysan ku jirin danta shacabka Soomaaliyeed, sidaas darteed ayuuna sheegay in uu isu casilay.

“Baarlamaanka Soomaaliya oo jira 4 sano iyo bilooyin ma jirto wax uu qabtay, dhibaatada uu dalka ku jirana waa ay ka sii dareysaa”ayuu yiri Avv. Xasan Dhimbil Warsame oo sheegay in haatan kadib uu ka qeybqaadan doono dadaallada xalka loogu raadinayo Soomaaliya.

Avv. Xasan Dhimbil Warsame oo Wasiirka Garsoorka ka soo noqday Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Geeddi waxaa uu sheegay in uu Allaah dembi dhaaf weydiisanayo haddii uu dembi galay intii uu ka tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Allaah ayaan dembi dhaaf weydiisanayaa haddii aan gefay intii aan ka tirsanaa Dowladda Federaalka, waayo bani’aadam ayaan ahay, Bani’aadamkuna qalad waa uu geli karaa”ayuu yiri Avv. Xasan Dhimbil Warsame.

Avv. Xasan Dhimbil Warsame oo ay is-casilaaddiisa ku soo beegmeyso iyadoo waqtiga jiritaanka Dowladda Federaalka uu ka harsan yahay muddo sanad ka yar ayaa wuxuu noqonayaa Xildhibaankii seddexaad oo iska casila Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana horay isu casilay C/casiis Ibraahim iyo Cali Baashi Cumar Rooraaye oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia