Talaado, November 25, 2008(HOL): Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay gudaha magaalada Baydhabo ku dileen Taliyihiin Daraawiishta Gobolka Bay oo lagu magacaabi jiray Cabdi Ibraahim Af-gub.
Taliyaha ayaa la sheegay in ay Kooxaha hubeysan toogteen xili uu ku sii jeeday gurigiisa oo ku yaala Xaafadda Howl-Wadaag ee Magaalada Baydhabo, iyadoo xiligaasna uu lugeynayay.
Guddoomiyaha Gobolka Bay C/fataax Ibraahim Geesey ayaa cambaareeyay kooxihii ka dambeeyay dilka marxuumka, wuxuuna sheegay in marxuumka uu ahaa Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Gobolka Bay.
Dilka loo geystay Taliyahan ayaa wuxuu la xiriiraa dilal dhawaanahan ka dhacayay magaalada Baydhabo oo qaarkood loo geystay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo weliba qaar ka mid ah madaxda Gobolka Bay, waxaana xili aan fogeyn lagu dilay gudaha Baydhabo mid ka mid ah Guddoomiye ku xigeennadii Degmada Baydhabo, iyadoo sidoo kalena gudaha Baydhabo lagu dilay saraakiil ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia