Talaado, November 25, 2008(HOL): Maamulka DGPL ayaa markii ugu horaysay ka dhawaajiyay in dagaal adag uu la gali doono burcad badeedka afduubyada ka wada xeebaha gacanka cadmeed ee ku teedsan biyo badeedka Puntland gaar ahaan kuwa afduubka u haysta markabka Sacuudiga laga leeyahay haddii ay la soo aadaan xeebaha Puntland.
Hadalkaan waxaa magaalada Garowe ka sheegay wasiir ku xigeenka Dekedaha iyo Kalluumeysiga xili uu akhrinayay wareegto ka soo baxday xafiiska madaxwaynaha DGPL, taasi oo looga hadlayay waxyeellada Burcad Badeedka ay ku hayaan maraakibta iyo Doomaha shixnadaha u soo wada xeebaha Somalia.
Wasiir ku xigeenka ayaa uga digay Burcad Badeedka afduubka u haysta markabka Sacuudiga in ay keenaan xeebaha Puntland ,isagoo intaasi ku daray in weerar lagu qaadi doono fariisimaha ay Burcad badeedu ku leeyihiin xeebaha degmada Ayl.
Madaxwaynaha DGPL ayaa dhawaan ka codsaday beesha caalamka in Puntland lagu gacan qabto la dagaalanka Burcad badeedka oo baryihii u dambaysay ahaa kuwo soo xoogeysanayay.
Lama garanayo in maamulka uu ka dhabayn doono hadalka ka soo yeeray ee ah in uu dagaal la gelayo burcad badeedka ku sugan xeebaha Puntland, balse waxaa la is-weydiin karaa sidee maamul goboleedka wax uga qaban karaa burcad badeedka , iyadoo dawladaha awoodda leh ay taag u waayeen Burcadda.
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Somalia