Jimco, May 16, 2008(HOL): Waxaa la soo gebagebeeyay Wada Hadalladii beryahan ka socday Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti, kuwaasi oo ay Qaramada Midoobay ugu kala dab-qaadeysay dhinacyada isku haya Soomaaliya.
Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobay ayaa wuxuu soo gebageboobay iyadoo aaney ergooyinka Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta aysan yeelan wada hadallo fool-ka-fool ah, marka laga reebo in ay u dhaxeeyeen Diblumaasiyiin Qaramada Midoobay ka socotay.
Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ahmedou Ould-Abdallah oo shir jaraa’id ku qabtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Djibouti ka hor intii uusan Nairobi u duulin ayaa wuxuu sheegay in wada hadalladii ay ku dhexdhexaadinayeen dhinacyada isku haya Soomaaliya ay soo geba-geboobeen, ayna isku af-garteen qodobo ay ka mid ahaayeen:
In labada dhinac ay isla garteen in dhibaatada Soomaaliya mudada dheer ka jirta lagu xaliyo wada hadal.
In madax bannaanida iyo Xuduudaha Dalka Soomaaliya la ilaaliyo.
Iyo in 31-ka bishan ay labada dhinac mar kale kulan isugu yimaadaan.
Danjire Ahmedou Ould-Abdallah waxaa uu intaas ku daray in labada dhinac ay sidoo kale isku waafaqeen caddeyn ku saabsan in arrimaha gargaarka Bani’aadannimo wax laga qabto, iyagoo taageerayaashoodana ugu baaqay in ay gacan ka geystaan sidii gargaarka Bani’aadannimada loo gaarsiin lahaa Dadka u baahan.
Ma jirto ilaa iyo haatan cid ka tirsan Ergada Dowladda iyo kuwa Isbaheysiga oo bixisay faahfaahin ku saabsan waxyaabihii ay labada dhinac isla gaareen, sidoo kalena ma jiraan waxyaabo la taaban karo oo ay labada dhinac isla saxiixeen.
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Djibouti ayaa waxay sheegayaan in Wafdigii Qaramada Midoobay ka socday uu dib ugu noqday Magaalada Nairobi, sidoo kalena ay Ergadii Dowladda Federaalka dib ugu noqotay Magaalada Muqdisho.
Magaalada Djibouti haatan waxaa ku sugan Ergadii Isbaheysiga Dib u xoreynta oo ay ku soo biireen mas’uuliyiintooda sare ee kala ah Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan, waxaana xusid mudan in wada hadalladii Jibouti ay soo gebageboobeen iyadoo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ay mas’uuliyiintiisa u muuqdaan kuwo ku kala jabay wada hadalladii Jibouti ka dhacay ee ay Qaramada Midoobay soo agaasintay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia