Jimco, May 16, 2008(HOL):Dhamaan waxgaradka iyo Culimada degmada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan waxay u mahadnaqayaan Walaalaha reer Hiiraan ee degan magaalada Biriminham ee cariga Ingiriiska, kuwaasoo ugu deeqay walaahooda reer Buuloburte ee dhibaataysan lacag dhan $2000.
Hadaba lacagtaas deeqda ah waxay gaartay 93 Qoys oo reer Buuloburte ah, 20 Qoys oo reer Jalalaqsi ah iyo dad uu ku dhacay shuban biyood oo la keenay tuulada Abooreey, iyadoo loogu geeyay lacagta dadkaas uu shuban biyoodka ku dhacay buushashkii loo dhisay sida ka muuqato sawirka.
Waxgaradka iyo Culimada reer Buulo burte waxay ka filayaan walaalaha kale ee reer Hiiraan ee ku nool dalka dibadiisa iney sidaas oo kale gacan ugu soo fidiyaan walaalahooda ay aafeeyeen Colaadda, Abaarta iyo Cudurrada, si ay ula qeybsadaan dhibaatada, waana arin uu faray dadka Muslimiinta ah inay isu gargaaraan marka ay dhibaateysan yihiin.
Xuseen Shiikh Cilmi
[email protected]
Buulo Burte, Somalia