Diyaarado Helicopters ah oo saaka lagu arkay Hawada Xeebta Magaalada Muqdisho

Diyaarado Helicopters ah oo Muqdisho lagu arkay
Jimco, May 16, 2008(HOL): Diyaarado Helicopters ah oo joog-hoose ku socda ayaa saaka waxaa lagu arkay hawada Xaabta Magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta ku aadan  Degmooyinka Xamarweyne, Shangaani iyo C/Casiis.

Diyaaradahan oo loo maleeyay in ay ka soo duuleen Markab dagaal oo taagan Xeebaha Muqdisho ayaa ayaa waxaan ilaa iyo haatan la ogeyn sababta ay ugu soo dhawaadeen Xeebta Muqdisho.

Maalmahanna waxay dadka ku dhaqan degmooyinka Kaaraan, C/Casiis, Shangaani, Xamarweyne iyo Xamar Jajab sheegayeen in ay arkayeen Markab dagaal oo taagan meel aan u dheereyn Xeebta Muqdisho, kaasi oo marba dhinac u soconayay.

Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa dhawaanahan ku soo badanayay Maraakiib dagaal oo ay leeyihiin Dalalka Reer Galbeedka, kuwaasi oo markii ay soo gelayeen biyaha Soomaaliya sheegay in ay la dagaalamayaan Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya, isla markaana qafaasha maraakiibta gargaarka kuwa ganacsiga.

Dhawaan ayay ahayd markii Markab dagaal oo uu Faransiiska leeyahay uu Xeebaha Gobolka Mudug ku weeraray Kooxo Burcad Badeed ah oo af-duubtay Doon  ay saarnaayeen Dalxiisayaal Faransiiska u dhashay, iyadoo lix ka mid ah Kooxdii Burcad Badeedka ahaydna lagu qabtay weerarkaas.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Biyaha Soomaaliya ayaa waxay yihiin kuwo aaney cidina koontaroolin oo ay iska soo galaan Maraakiib Kaluumeysi oo sharci darro ku socda iyo kuwo wada Sun halis ah oo ay iska soo fogeeyeen Dalalka horay u maray ee leh Warshadaha.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia